YAAB: Jose Mourinho Oo Ugu Dambayn Ogaaday In Maal-qabeen Reer Singapore Ah Uu Ka Shaqaynayo Sidii Loo Eryi Lahaa

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa aaminsan in maal-qabeenka badhitaara kooxda yar ee Salford City uu laxanka saaranay, dabadana ka riixayo qorshe la doonayo in lagaga saaro shaqada Manchester United.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Mourinho waxa uu aaminsan yahay in maalqabeenka reer Singapore ee Peter Lim uu ka dambeeyo kacdoonka ciyaartooyada iyo kalsooni darrada  looga muujinayo gudaha Manchester United, taas oo sababi karaysa inuu waayo shaqadiisa.

Eladio Parames oo ay saaxiibo dhow yihiin Jose Mourinho ayaa ku daabacay wargeyska Record ee kasoo baxa dalka Portugal in saaxiibkii Jose Mourinho uu shaqadiisa u waayayo qorshe uu maleegayo ganacsadaha reer Singapore.

Eladio Parames oo ay da’diisu tahay 69 jir, ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi: “Waan kan ninka lacagta ee ka yimid Singapore ee maamulaya, gacantana ku haya ololaha ka dhanka ah Mourinho ee isku dayay inuu dibedda ka dhigo kooxda, kaddibna uu naadiga iibsado.” Sidaas waxa yidhi Eladio Parames oo ishaaray in maal-qabeenkani doonayo in marka Man United ay caydhiso Mourinho uu iibsado kooxda ka dhisan Old Trafford.

Mourinho ayaa u malaynaya in Lim uu doonayo inuu iibsado Manchester United, isla markaana uu tababare cusub keensado iyadoo shaqadana bannaanka laga dhigayo Jose.

Wakiilka Jose Mourinho ee Jorge Meldes ayaa ka caawiyey Lim in sannadkii 2014 uu iibsado kooxda Valencia ee dalka Spain, ka hor intii aanu boqolkiiba konton (50%) ka iibsanin naadiga Salford City oo saamiyo ka mid ahna uu leeyahay Paul Scholes.

Lim ayaa la wariyey in lacagta uu haysto ay ku dhow dahay 2 bilyan oo sannad walba sare usii kacaya.