Jose Mourinho Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Xalay U Safi Waayey Anthony Martial

Jose Mourinho waxa uu sharraxaad ka bixiyey sababta uu Anthony Martial u soo galin waayey kulankii ay xalay la ciyaareen Leicester.

United waxa ay 2-1 uga badisay Leicester xilli ay goolasha u kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Luke Shaw.

Martial waxa uu dheesha kala socday kaydka xilli safka hore laga reebay laacibka ay aadka u xiiseenayeen xagaagan Roma iyo Bayern Munich.

Dad badan ayaa la yaabay sababtii uu u safi waayey Mourinho xiddigga France maadama uusan koobka aduunka ka qeybgalin.

Laakiin Mourinho waxa uu sharraxaad ka bixiyey sababta isaga oo keenay Marouane Fellaini, Romelu Lukaku iyo Scott McTominay.

“Mr Scudamore waa in uu faraxsanaado, waa qaab wanaagsan oo lagu bilaabo Premier League.

“Kulan wacan, kulan aan u baahnaa lix bedel. Waan rabay in aan ciyaarsiiyo Martial laakii ma awoodin, Pual Pogba ma dheeli karin 90-ka, Fred sidoo kale. Waxaan u baahna bedello.

“Ma fududa in aad ciyaarta ka maamuso diilinta. Laakiin waxaan ciyaaryahanada u sheegay in aan haysanno waqtiyo wacan, ifafaalooyin badan oo ku aadan qaabka kubadda aan rabno in aan dheelno. Leicester waqtiyada qaar cajiib ayey ahayd laakiin waan xakameynay.

“Kooxda qaab kooxeed ayey  u dheeshay. Qeybtii dambe waxaa jaalle qaatay Andreas Pereira iyo Fred, Paul wuu waxnaa laakiin gaasta ayaa ka dhammaaneysay. Dhib ayaan ku jirnay.

“Martial 20kii daqiiqo ee ugu dambeeyey waxa uu na siin karay goolka labaad laakiin bedel ma sameyn karin. Ciyaaryahanadda wax walba wey sameeneyeen, wixii ay hayeen wey sameeyen. Qof walba ayaa sidaas sameeyey.”