Jose Mourinho Oo Sadex Xiddig Oo Premier League Ah Ku Digtay Si Uu Adeegsigiisa Rashford U Difaaco.

Jamaahiirta Red ayaa si fiican usoo dhaweeyay qaabka uu Jose Mourinho u difaacay adeegsigiisa da’yarkiisaMarcus Rashford isagoo ku diganaya saddex ka mid ah ciyaartoyda dhalinta yar kana tirsan kooxaha ay la xifaaltamaan.

Jose Mourinho oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka ay Vicarage Road kula balansan yahiin kooxda Watford ayaa shaaca ka qaaday in Marcus Rashford uu ka mid yahay xiddigaha uu aadka u jecel yahay isla markaana uu mar walba kusoo daro kooxdiisa.

20-jirkaan ayaa kusoo bilowday labadii kulan ee ay qarankiisa ciyaareen kulamadii caalamiga ahaa, mid walba shabaqa ayuu soo taabtay, waxaana soo yeeray dhaleeceyn ku aadan Mourinho iyadoo lagu heysto inuusan wax badan ciyaarsiinin xiddiiisa.

Jose Mourinho oo ah shaqsi aad mar walba ula falgala saxaafadda ayaa dadka dhaleeceeya mar walba ku tilmaamay dad ceeb abuur ah, balse xiddigiisa uu sameynayo hormar aad u fiican sidoo kalana uu muhiim u yahay kooxdiisa.

Jose Mourinho wuxuu ku digtay saddex xiddig oo da’yar isla markaana ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska isagoo difaac u raadinaya adeegsigiisa Marcus.

“Marcus ma ahan Solanke, ma ahan Ruben Loftus-Cheek, mana ahan Dominic Calvert-Lewin, waa Marcus Rashford, waana xiddig ka tirsan Man United”

“Wuxuu saftay kulamo aan caadi aheyn, sidoo kale tiro daqiiqado aan caadi aheyn isagoo ku jira heer sare sidoo kalana tartamada ugu fiican ee suuragalka ah kasoo muuqday”

Jamaahiirta Man United ayaa si fiican usoo dhaweeyay hadalka Jose Mourinho waxeyna uga fal celiyeen baraha bulshada si aan caadi aheyn, waxeyna muujiyen sida ay ugu riyaaqeen digashada uu ciyaartoyda kale ku sameeyay.