Jose Mourinho Oo Ka Codsaday Sam Allardyce Inuu Fududeeyo Kulanka Axadda Madama Uu Ku Qasban Yahay Inuu Da’yarta Safo.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Jose Mourinho ayaa wacad ku maray inuu ciyaarsiin doono da’yartiisa kulanka ugu dambeeya horyaalka xilli ciyaareedkaan kana baryay dhigiisa Crystal Palace Sam Allarydce inuu kulanka u fududeeyo.

Jose ayaa aad u dhibsaday jadwalka kulamada madama kulanka ugu dambeeya horyaalka la ciyaari doono sadex maalmood ka hor xiliga ay isku diyaarinayaan final-ka tartanka Europa League isagoo ka dhawaajiyay inuu ku qasba yahay nasiinada ciyaartoydiisa muhiimka ah.

“Waxaan keeni doonaa (Demitri) Mitchell, (Scott) McTominay kuwaas oo kursiga fadhiyay, Axel Tunazebe iyo Eric Bailly waa ganaax, (Matty) Willock wuu ciyaari doona, Josh Harrop haka reebin, Zachary (Dearnley) isna wuu ka qeyb qaadan doonaa kulanka:

“Pogba wuu imaan doonaa sababtoo ah ma tababaran mana ciyaarin tan iyo markii uu geeriyooday aabahiis”

“Waxaan soo galin doonaa laba ama sadex ka mid ah wiilasheyda kuwaas oo aan ku qasbanahay inaan badalo inta lagu jiro ciyaarta, si aan u sameeyo badalo badbaadiya”

“Waxaan rajeynayaa in jamaahiirta Old Trafford ee Axadda ay taageeri doonaan kooxda, waa iney cafiyaan kuwa an qibradda laheyn iyo kalsoonida”

“Waxaan rajeynayaa in Sam uu i tuso inuu yahay saaxiib wanaagsan isla markaana uu tartiibiyo, Zaha u sheego inuu tartiibiyo, Benteke uu guriga uga soo tago, waxaan rajeynayaa inuu noo qafiifiyo” ayuu yiri Mourinho.

“Waxaan joognaa booska 6-aad, waxaan u maleynayaa waqtigaan Crystal Palace waxey garaacday Hull City weyna hoobatay, Swansea City-na waa badbaaday, ciyaarta waa iney noqotaa sabti”

“Wadan walba oo aduunka ah, waxey u ahaan doontaa sabti, waxey ii tahay niyad jab, waxaan rajeynayaa inaadan i dilin markii aad aragto kooxdeyda”

 

Jose Maku Saxan Yahay Inuu Ka Cawdo Jadwalka Madama 3 Maalin kaliya uu heysto inuu isugu diyaariyo final-ka Europa League?

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments