Jose Mourinho Oo Digniin U Diray Anthony Martail Isaga Oo Waliba Tusaale Ugu Soo Qaatay Marcus Rashford.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sii wada in uu saxaafada la hadlo ciyaartoyda kooxdiisa wuxuuna shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyay kulanka Europa Leaque-ga ee Anderlecht uu digniin u soo jeediyay ciyaartoyda kooxdiisa gaar ahaan Athony Martial isaga oo waliba tusaale ugu soo qaatay da’yarka Marcus Rashfrod.

Mourinho ayaa ku dooday in ugu dhawaan ay hadda ciyaartoyda kooxdiisa wada joogaan 10 bilood isla markaana uu kala yaqaan waxa ay jecel yihiin balse uu isna doonayo in ay gartaan waxa uu ka doonayo ee uu jecel yahay. Mourinho ayaa sheegay in aanu shaki ka qabin awooda Martial balse uu ka doonayo in uu kulankasta u qabto waxa uu ka doonayo.

Mourinho arrives for training at United's Carrington complex on Wednesday

Mourinho oo ciyaartoyda kooxdiisa ka hadlaya ayaa yidhi: ” Waxaanu wada joognay ugu dhawaan 10 bilood, si isku mid ah waxaan hadda si fiican u aqaan ciyaartoyda, waxaana ciyaartoyda waajib ku ah in ay sidoo kale aniga hadda si fiican ii gartaan. Si la mid ah waxaan si fiican u garanayaa waxa ay ciyaartoydu jecel yihiin, waxaan sidoo kale filayaa in ciyaartoydu ay iyaguna garanayaan waxa aan jecelahay”.

Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Si la mid ah waxaa waajib igu ah in aan dariiq u socdo, waxaana ciyaartoyda qasab ku ah in ay yimaadaan dariiqan, taas ayaa ah waxa laga hadlayo. Taasi waa sababta aan markasta u aaminsanahay Marcus Rashford, xataa isaga oo aan goolal dhalinayn, waa ciyaartoy aan markasta ciyaarsiiyo, waa ciyaartoy aan markasta taageero. Sababtu waxay tahay waxa uu markasta imanayaa dariiqa aan ka doonayo ciyaartoy Manchester United ah”.

Jose Mourinho unfavourably compared Anthony Martial to fellow forward Marcus Rashford

Intaa kadib Mourinho ayaa si cad ula hadlay Martial isaga oo waliba udigaya wuxuuna yidhi: ” Anigu miyaan filayaa in Anthony uu yahay ciyaartoy awood fiican leh? Haa, aniga waan filayaa. Miyaan filayaa in uu aniga si guulaysatay iigu ciyaari karo? haa waan filayaa. Laakiin waxa uu isagu u baahan yahay in uu aniga kulan kasta  isiiyo waxa aan jecelahay”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments