“Jose Mourinho Ilaa Haatan Guri Kama Uusan Raadsan Manchester, Dhaqankiisana Wuxuu U Muuqdaa Mid Doonaya In La Ceyriyo”

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Nov 29, 2016

Manchester United macalinkeeda Jose Mourinho “Wuxuu doonayaa in laga ceyriyo shaqada kooxdiisa Man United” sida uu qabo xidiga ku guuleystay Premier League ee Tony Gale inkastoo uu macalinkaan kaliya mudo bilo ah uu hayay shaqada kooxd aku ciyaarto Old Trafford oo kamid ah sadexdii sano ee uu saxiixay.

Wuxuu si layaab leh ugu dhibtoonayaa inuu guulo wax ku ool ah la gaaro kooxdiisa Man United inkastoo at wali Jiri doonaan su’aalo badan oo laga keeni doono mustaqbalka iyo hab dhaqanka macalinkaan taasoo ah wax uu Mourinho qudhiisa muujinayo inuu jiro cadaadis ku soo fuulaya natiijada xumida kooxdiisa kadib markii markale casaan la siiyay kulankii at sida layaabka lahaa at markal barbaraha ula galeen West Ham inkastoo uu go’aankaas u muuqday mid degdeg ah.

jose-mourinho

Gale oo horyaalka ingiriiska la qaaday Blackburn xili ciyaareedkii 1994-95 ayaa aaminsan in macalinkii h--e ee Chelsea uusan ka warqabin waxa uu sameynayi wuxuuna yiri “Isaga xitaa ma oga waxa uu sameynayo, wuxuu u muuqdaa nin raadinaya in shaqada kooxdiisa laga ceyriyo”.

mourinho

“Wali ma uusan helin guri, raadso guri, xal u raadi naftaada, soo dhaweyso qoyskaaha, waxaa ka muuqda isaga inuu raadinayo in la ceyriyo” ayuu ku daray.

“Tani waa caadada Jose, wuxuu koox waliba la joogaa kaliya labo ama sadex sano laakin haatan, kaliya kadib sadex bilood, wuxuu u muuqdaa inuu raadinayo bixitaan,  ma ahan waxaan fahmi karo wali. axadii waxaan ku sugnaa garoonka, waxaan ka garab daawanayay ciyaarta taageerayaal West Ham ah, waa markii iigu horeysay aan arko Old Trafford oo aamusan, 70,000 oo qofood ayaa garoonka ku jirtay wuxuuna ahaa mid aad u aamusan, waxaa iiga muuqday dareen xishood leh”.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Farah 29-11-2016 at 8:24 pm - Reply

    Waa nin waalan o jecel inuu istus tuso faan aqlaaq la.aan FA.GANA isku dira iyo 1/2 kulan marku badiyaba ku mashquulsan waxuu arsan wengar ku caayi lahaa halkii uu kumashquuli lahaa kulamada kusoi adan ayuu wingar laaaaclaaacaa asagoo show iyo faan laga badbadiyey uqaba inuu yahay coch qatara miidiyaha in laga hadlo jecel marka kalana ka carara saxafada oo wajiga uusan siin karin waxa u haray yaraa manchastar aqoon wlh in taagerayasga ay garonka kuugu soo galayaan mana qoraan

Leave A Response