Jose Mourinho: Aad Ayay Ii Dhaawacdaa Marka Aan Ciyaartoy Ka Soo Tago, Isku Shaandheynta Aan Sameeyo Raaxo Iima Ahan.

by Saed Balaleti | Thursday, Dec 1, 2016

Jose Mourinho ayaa sheegay inay dhaawacdo marka uu ciyaartoy ka soo tago ka dib markii ay Manchester United 4-1 ku garaacday West Ham islamarkaana u soo baxday semi-finalka League Cup xalayto.

Zlatan Ibrahimovic iyo Anthony Martial ayaa dhaliyay min labo gool kulankii xalayto iyadoo United ay la ciyaari doonto Hull City wareega afar dhamaadka.

Mourinho ayaa ku soo bilaabay shaxdiisa Martial iyo Henrikh Mkhitaryan, waxa uu xitaa xilli danbe bedel ahaan u soo geliyay Bastian Schweinsteiger, inkastoo uu tababaraha reer Portugal ka ganaaxnaa kursiga keydka hadana waxa uu amar ka soo bixinayay xafiiskiisa Old Trafford oo uu ciyaarta ku daawanayay.

united1
Martial ayaa seegay kulaniii Axadii ee Premier League ee ay barbaraha la galeen West Ham, waxaana uu Mourinho sheegay inuusan raaxo u arkin isku shaandheynta uu ku sameeyo kooxdiisa.
“Waa ay i dhaawacdaa, waa ay i dhaawacdaa” ayuu ku celceliyay Mourinho mar uu u hadlayay website-ka kooxdiisa.
“Waa ay i dhaawacdaa wax badan inaan ka soo tagay Memphis Depay iyo Ashley Young. Aad ayay ii dhaawacday isbuucii h--e markii aan ka soo tagy Martial, isbuuca danbena mid kale ayaan ka sii tagi doonaa.

“Waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo boosas dhowr ah ka ciyaara, waana ay inoo fiican tahay laakiin iyaga ayay u xun tahay, cid walba fursad ma siin karo waqti isku mid ah sidaasi darteed waa ay i dhaawacdaa.”

Like it? Share it!

Leave A Response