Jorginho Oo Gaaray London, Waqtiga Lagu Dhawaaqi Karo Maurizio Sarri & Sky Sports Oo Baahisay Sabab Layaab Leh Oo Keentay In La Ceyriyo Antonio Conte.

Chelsea ayaa noqotay kooxda ugu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maalmahii lasoo dhaafay maadaama ay sameysay isbadal la sugayay sidoo kalana la filayo iney dhacaan wax badan oo horay loo sii hadal hayay.

Kooxda Chelsea ayaa maanta ku dhawaaqday shaqo ka ceyrinta Antonio Conte oo laba sanadood kadib ka guuraya Stamford Bridge, waxaana la filayaa inuu yimaado Maurizio Sarri oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay maamulayay Napoli.

Haddaba Hillinka Sky Sports ayaa dulmaray xaalado badan oo khuseeya kooxda ka dhisan London, waxeyna u qornaayeen sidaan:

Jorginho & London

Jorginho ayaa soo gaaray London ka hor inta uusan 57 Malyan oo Pound ugu wareegin Chelsea sida ay fahamsan tahay Sky Sports.

Waxaan aaminanahay in Chelsea iyo Napoli ay ku heshiiyeen lacag dhan 50 Malyan oo Pound oo toos ah iyo 7 Malyan oo lagu xiri doono xaalado gaar ah.

Manchester City ayaa la fahamsan yahay iney wali dooneyso saxiixa xiddig ka ciyaara khadka dhexe.

Maurizio Sarri & Waqtiga La Magacaabayo

Sky Sports waxey fahamsan tahay in Chelsea ay maalmaha soo aadan magacaabi doonto Maurizio Sarri si uu badal guuleysta ugu noqdo Antonio Conte.

Antonio Conte Maxaa Loo Ceyriyay?

Sky Sports waxey sidoo kale fahamsan tahay in Antonio Conte loo ceyriyay laba xaaladood oo kala ah:

1. Inuu burburay heshiiskii iyo xiriirkii uu la lahaa Maamulka

2. In Ciyaartoyda qaar ay kasoo horjeesteen oo ay maamulkaku cadaadiyeen in la ceyriyo.