Jarmalka Oo Dirqi Kaga Badiyay Australia, Draxler Oo Shabaqa Soo Taabtay & VAR Oo Mar Kale Saameyn Ku Yeelatay Ciyaarta.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Julian Draxler, LarsStindl iyo Leon Goretzka ayey Jarmalka ku heleen guushii ugu horeysay tartanka Confederation Cup kulankii ay la qaateen Australia, waxeyna aheyd ciyaar xiiso badan oo farqi yar lagu kala baxay.

Jarmalka kaalinta labaad ayey kasoo istaagayaan group-ka B, waxeyna ka goolal yaryarahiin Chile oo xalay 2-0 ku dhufatay Cameroon.

GOAL! Daqiiqadii 5 –aad: Lars Stindl ayaa hogaanka u dhiibay Germany markii uu si adag lugta midig ugu dhameystiray kubad uu ka helay xerada ganaaxa.

Daqiiqadii 18-aad: Sandro Wagner ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Jarmalka markii uu helay fursad uu si fudu goosha ugu leexin karay goolka balse madaxii uu tuuray geesta ayuu mariyay.

Daqiiqadii 22-aad: Julian Brandt ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Jarmalka, markii uu damcay inuu lugta bidix gool ku dhaliyo, balse goolhaye Ryan ayaa ka badbaadiyay.

Daqiiqadii 24-aad: Sandro Wagner ayaa mar kale u dhawaaday inuu gool dhaliyo markii uu si ka hortagay goolhayaha, balse kubadii uu lugta bidix u adeegsaday dhinaca ayey ka martay.

Daqiiqadii 29-aad: Julian Brandt ayaa mar kale beegsaday goolka markii uu banaanka xerada kubad ka haweestay, balse goolhaye Ryan ayaa mar kale badbaadiyay.

Daqiiqadii 39-aad: Trent Sainsbury ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Australia – markii uu helay kubad uu xor u yahay inuu madax ku dhameystiro balse geesta ayuu iska mariyay.

GOAL! Daqiiqadii 41-aad: Tom Rogic ayaa barbaro u keenay qaranka Australia markii uu si habsami leh lugta bidix kubad awood leh ku daba mariyay goolhaye Leno inkastoo markii hore ay kubadda ku dhacday Mustafi.

GOAL! Daqiiqadii 45-aad: Julian Draxler ayaa hogaanka u dhiibay mar kale Jarmalka markii uu si habsami leh u dhameystiray rigoore lagu abaalmariyay.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 oo ay ku hogaaminayaan qaranka Germany iyadoo qeybtii dambe markii la isku soo laabtay Australia ay soo galisay ciyaarta R. Kruse iyadoo laga saaray M. Luongo.

GOAL! Daqiiqadii 48-aad: Leon Goretzka ayaa si dhib yar u dhameystiray kubad loo dhigay afka hore goolka, isma dhibin wuxuuna si xirfadeysan kubadda uga dul bootiyay goolhaye Ryan.

GOAL! Daqiiqadii 57-aad: Tomi Juric ayaa rajada Australia soo celiyay markii uu dhaliyay gool uu qaladkeeda lahaa goolhayaha madama uu awoodi waayay inuu qabsado kubad daciif aheyd ka hor intaan lagu rogaal celin.

Daqiiqadii 73-aad: Wagner ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Jarmalka balse kubadii uu goolka aadiyay birta ayaa ka beenisay.

Daqiiqadii 77-aad: Kruse ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Australia markii uu kubad aan tababar badneen ku tuuray goolka walow si aad ah looga soo shaqeeyay.

Australia waxey sameeyeen dadaal walba oo ay gool ku heli kareen, balse uma suuragalin iney ka rumeeyaan, natiijada ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 3-2 oo ay guusha ku raacday xulka qaranka Jarmalka.