Jariiradda Marca Oo Soo Bandhigtay Xaqiiqo Muujineysa In CR7 Uu Yahay Boqorka Kulamada Furitaanka Champions League Ee Real Madrid

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Sep 13, 2017

Real Madrid ayaa caawa bilaabeysa qadiyada ay ku raadineyso koobkeedii 13-aad ee Champions League iyo sidoo kale iney difaacato koobkan madama ay labadii sano ee lasoo dhaafay si xiriir ah u qaaday, balse Ronaldo ayey caawa qof walba ka war dhawreysaa inuu sii ahaado boqorka kulamada furitaanka ee kooxdiisa.

Lama oga hadii Apoel Nicosia ay ku biiri doonto kooxaha uu ku daah-furto Ronaldo kulamada wareega group-yada Champions League, markii lixaad ayuuna raadinayaa inuu kulanka ugu horeeya kooxdiisa tartankaan uu gool dhaliyo.

Waa markii ugu horeysay oo uu kasoo muuqanayo kooxdiisa tan iyo markii casaanka loo taagay kulankii lugta hore Supecopa de Espana – madama xiriirka FA-ga Spain ay duldhigeen ganaax shan kulan ah madama uu riixay garsoore Burgos oo kulankaas garsoorayay.

Kulankii lugta labaad & sadex kulan oo La Liga ayuu seegay xidigaan heerka caalami, waxaana wali u haray hal kulan oo uu seegi doono kaas oo ay la ciyaari doonaan Real Sociedad, balse ganaaxiisa ma saameyneyso Champions League.

Cristiano Ronaldo wuxu gool dhalinayay shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay kulan walba oo furitaanka Champions League laga soo bilaabo 2012/2o13 ilaa 2016/2017.

1. 12/13 Manchester City (1 goal)

2. 13/14 Galatasaray (3 goals)

3. 14/15 Basle (1 goal)

4. 15/16 Shakhtar (3 goals)

5. 16/17 Sporting (1 goal)

Man City ayuu gool ka dhaliyay 1-gool, xilli ciyaareedkii 2012/2013 – kulan ka tirsan wareega group-yada Champions League.

Xilli ciyaareedkii xigay wuxuu sadexley ka dhaliya Galatasaray, waxeyna u aheyd bilaabasho wacan, walow Basle, Shaktar Donetsk iyo Sporting Lisbon ay sidoo kale dhibane u noqdeen.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments