Jan Oblak Oo Iska Diiday Dalab Kaga Yimid Chelsea Uu Ku Noqon Lahaa Goolhaayaha Ugu Qaalisan Taariikhda & Sababta Uu U Diiday Oo La Ogaaday.

Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in goolhaayaha kooxda Atletico Madrid Jan Oblak uu iska diiday dalab qaali ah ee kaga yimid kooxda reer London ee Chelsea isbuucyadii lasoo dhaafay, kaasoo uu ku noqon lahaa goolhaayaha ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.

Chelsea ayaa la soo saxiixatay goolhaayihii hore kooxda reer Spain ee Athletic Bilbao ee Kepa Arrizabalaga, wuxuuna haatan noqday kan ugu qaalisan booskiisa taariikhda kubada cagta aduunka, kadib markii ay maamulka Blues kula soo wareegeen aduun dhan 80 milyan euro.

Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisan ku xusay in  Kepa Arrizabalaga uusan ahayn dooqa koowaad ee maamulka kooxda Chelsea, madaama ay Blues raacda xoogan ugu jirtay sida ay ku heli lahayd saxiixa Jan Oblak, isla markaana ay doonayeen inay ku kansalaan heshiiskiisa kooxda Atletico Madrida aduun dhan 100 milyan euro, taasoo ka dhigi lahayd kan ugu qaalisan taariikhda kubada cagta aduunka.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Jan Oblak uu iska diiday dalabka kaga yimid kooxda reer London ee Chelsea, wuxuuna go’aansaday inuu iska joogo kooxdiisa Atletico Madrid, isagoo sheegay in uu fursado badan uu ugu guuleysan karo koobab uu ku heli karo kooxdiisa Atletico.

Atletico Madrid ayaa u balanqaaday goolhayaheeda reer Slovenia  in ay sare u qaadi doonto mushaarkiisa, maadaama uu door weyn ee muuqda kaga ciyaaro kulamada tartanka Champions League, taasoo waana sababta uu iskaga diiday dalabka Chelsea, maadaama aysan xili ciyaareedkan ciyaari doonin tartanka xiisaha badan UCL.