Jan Oblak Mise Donnarumma? Manchester United Oo Durba Sii Diyaarsatay Goolhayihii Badali Lahaa David De Gea.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga Manchester United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa goolhayaha Ac Milan Gianluigi Donnarumma si uu badal ugu noqdo David De Gea.

Red Devils ayaa la aaminsan yahay iney isku diyaarineyso soo laabashada Cristiano Ronaldo kaas oo ka careysan kooxdiisa isla markaana ka dhawaajiyay inuu isaga tagayo caasimadda Spain.

Sida ay qortay Calciomecato, heshiiska uu Ronaldo dib ugu soo laabanayo Old Trafford waxaa ka qeyb noqon kara David De Gea, bale Jose Mourinho ayaa durba sii calaamadsaday shaqsigii u badali lahaa goolhayaah reer Spain.

Warbixinada waxey soo jeedinayaan in 18-jirkaan uu u furan yahay imaatinka Premier League madama uu dhawaan diiday inuu heshiiska u kordhiyo koxdiisa, Mino Riola ayaana ka shaqeeyay kaas oo xiriri dhaw la leh United.