Jamie Carragher Oo Si Maldahan Ugu Camirtay Man United Kadib Markii La Ansixiyay Sharciga Cusub Ee Lagu Ciqaabayo Xidigaha Khiyaana Garsoorka

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Halyeeygii hore Liverpool & qaranka England Jamie Carragher haatanna ka mid ah falanqeeyayaasha Sky Sports ayaa si aan gabasho laheyn ugu camirtay kooxda uu aadka u neceb yahay ee Manchester United kadib markii la ansixiyay sharciga cusub ee lagu ciqaabayo ciyaartoyda istuurka sameeya.

Xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa qaaday talaabadii ay horay u qaadeen FA-ga Scotland kuwaas oo goor hore hirgaliyay qorshaha lagu ganaaxayo ciyaartoyda khiyaameeya garsoorka.

Marka la gaaro xili ciyaareedka 2017/2018 – xidig walba oo si cadaalad darro ah natiijo ugu keena kooxdiisa waxaa la ganaaxi doonaa laba kulan hadii ay u cadaato inuu indha-sarcaadiyay garsoorka.

Si kastaba Jamie Carragher ayaa bartiisa twitter-ka ugu camirtay United oo lagu sheego iney heysato ciyaartoyda mar walba is tuura.

“Dhibaatooyin badan ayey wajahi doontaa xili ciyaareedka soo aadan” ayuu bartisia twitter-ka kusoo qoray Jamie isagoo si maldahan u tilmaamaya iney yahiin kuwa ugu badan ee khiyaameeya garsoorka.

Makula tahay in Man United ay tahay sida uu ka aaminsan yahay Jamie?

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments