Jamaahiirta Real Madrid Oo Farriin QUUS Ah Xalay U Diray Inter Milan Oo Wali Xiiseeneysa Luka Modric – Maxay Sameeyeen?

Wali waxaa jira wararka la’isla dhexmarayo ee sheegaya in uu ku biiri doono Inter Milan, laakiin jamaahiirta Estadio Santiago Bernabeu wey u istaageen Luka Modric xalay markii uu soo galay kulankii AC Milan.

Bil wax ka yar kaddib markii uu ku guuldarreystay koobka aduunka Luka Modric waxa uu ku soo laabtay kulamada Real Madrid.

Waxaa muuqata in Madrid aysan diyaar u ahayn luminta Modric isaga oo u soo bandhigay qadaraas cusub oo uu mushaar le’eg inta Sergio Ramos ku qaadanayo.

Tegitaankii Cristiano Ronaldo ayaa sal la’aan ku riday Bernabeu waxaana ku dhalatay cabsida ah in xiddigo kale baxaan.

Hase ahaatee, Nerazzurri wali waxa ay waddaa dadaaladii ay ku soo xero galin lahayd khadka dhexe balse cabsi ay taas ka qabaan ayaa qasabtay in ay ka fal celiyaan taageereyaasha Bernabeu.

Waxa ay ku salaameen Croatian-ka sida halyey so laabtay iyaga oo ku heesayey magiciisa mar walba oo uu taabto kubadda cagta.

Julen Lopetegui wuu la socdaa ahmiyadda uu Luka Modric dhiniciisa u leeyahay, iyada oo uu amaah ku baxay Mateo Kovavic, suurtagal uma aha in uu iibiso Luka.