JADWAL: Kulamada Ay Chelsea Ciyaari Doono Horyaalka Premier League Fasal Ciyaareedka Soo Aadan Oo Dhameystiran.

Chelsea ayaa dooneysa ineysan mar labaad xaaladii fasal ciyaareedkii dhamaaday gasho, balse dhibta ugu badan waxey tahay ineysan kooxda ilaa iyo hadda ogeyn qorshahooda xiga maadaama aan wali xal muuqda laga gaarin go’aanka shaqsiga noqon doona tababaraha kooxda hogaamin doona fasal ciyaareedka soo aadan, hadii loo deyn doono Antoio Conte iyo hadii mid cusub la magacaabi doono.

Sidoo kale Blues madaxeeda ugu sareeya Roman Abramovich ayaa arrimo dhib badan lugaha la galay, maadaama dowladda Ingiriiska ay u diiday warqadii daganaashaha dalkeeda iyadoo loo aaneyno xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya Ingiriiska iyo wadanka uu kasoo jeedo ee Russia.

Si kastaba Blues oo aan la saadaalin karin xaaladda ay gali doonto ayaa kulankeeda labaad ee horyaalka la ciyaari doonto Gunners, waana kulanka loogu jecel yahay London,

Bisha September oo ay kulamo badan ciyaareyso, waxey gurigeeda kusoo dhaweyn doontaa Liverpool maalinta 29-aad ee bisha, sidoo kalana October ayey mar kale gurigeeda kusoo dhaweyn doontaa Red Devils.

Kulanka Spurs wuxuu ugu aadan yahay November, balse bisha ugu mashquulka badan ee December, waxey kaliya la ciyaari doontaa Manchester City oo soo booqan doonta galbeedka London.

KULAMADA CHELSEA OO DHAMEYSTIRAN:

11/08/2018 – 15:00 – Huddersfield Town (A)

18/08/2018 – 15:00 – Arsenal (H)

25/08/2018 – 15:00 – Newcastle United (A)

01/09/2018 – 15:00 – A.F.C. Bournemouth (H)

15/09/2018 – 15:00 – Cardiff City (H)

22/09/2018 – 15:00 – West Ham United (A)

29/09/2018 – 15:00 – Liverpool (H)

06/10/2018 – 15:00 – Southampton (A)

20/10/2018 – 15:00 – Manchester United (H)

27/10/2018 – 15:00 – Burnley (A)

03/11/2018 – 15:00 – Crystal Palace (H)

10/11/2018 – 15:00 – Everton (H)

24/11/2018 – 15:00 – Tottenham Hotspur (A)

01/12/2018 – 15:00 – Fulham (H)

04/12/2018 – 19:45 – Wolves (A)

08/12/2018 – 15:00 – Manchester City (H)

15/12/2018 – 15:00 – Brighton (A)

22/12/2018 – 15:00 – Leicester City (H)

26/12/2018 – 15:00 – Watford (A)

29/12/2018 – 15:00 – Crystal Palace (A)

01/01/2019 – 15:00 – Southampton (H)

12/01/2019 – 15:00 – Newcastle United (H)

19/01/2019 – 15:00 – Arsenal (A)

29/01/2019 – 19:45 – A.F.C. Bournemouth (A)

02/02/2019 – 15:00 – Huddersfield Town (H)

09/02/2019 – 15:00 – Manchester City (A)

23/02/2019 – 15:00 – Brighton (H)

27/02/2019 – 19:45 – Tottenham Hotspur (H)

02/03/2019 – 15:00 – Fulham (A)

09/03/2019 – 15:00 – Wolves (H)

16/03/2019 – 15:00 – Everton (A)

30/03/2019 – 15:00 – Cardiff City (A)

06/04/2019 – 15:00 – West Ham (H)

13/04/2019 – 15:00 – Liverpool (A)

20/04/2019 – 15:00 – Burnley (H)

27/04/2019 – 15:00 – Manchester United (A)

04/05/2019 – 15:00 – Watford (H)

12/05/2019 – 15:00 – Leicester City (A)