Ivan Rakitić Oo Xaqiijiyay In Isaga Oo Xanuunsaya Uu Ciyaaray Kulankii England Ee Koobka Aduunka Isaga Oo Sidoo Kale Ku Maadsaday Saxaafada Ingiriiska.

Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Croatia Ivan Rakitić ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu qandheysnaa kulankii xalay ay kula ciyaareen dhigooda England wareega afar dhamaadka ee koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

Ivan Rakitić ayaa ayaa sheegay in naftiisa uu ku cadaadiyay ka qeyb qaadashada kulankii England, taasoo  u suuragaliyay  Croatia inay gaaraan finalka koobka aduunka 2018, markii ugu horeesay taariikhda ay sidaas sameeyaan.

Xidiga khadka dhexe kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaaway: “Waxaan la xanuusanayay qandho xalay iyo walaac badan, hada waxaan dareemayaa daal badan, xaqiiqdii heerkulku wuxuu gaadhay 39 digrii waxaana sariirta ku sugnaa maalin dhan”.

Ivan Rakitić ayaa intaas kadib mu jees jeesay kalsoonada ay saxaafada England ka muujiyeen in kulankan ay guleysan doonaan wuxuuna yidhi: “Waxay u maleynayeen inay u qalmaan kulanka finalka kahor inta aysan bilaaban ciyaarta, taasi waxay ku cadeed wax walba ay daabaceen, ha inoo sii wadaan Hadalka, anaga waxaan ciyaareynaa finalka Axada,

Rakitić ayaa intaas kadib la weydiiyay su’aal ku aadan kulanka Finalka koobka aduunka 2018 ay ku wada ciyaari doonaan France iyo Croatia wuxuuna yiri: “Wuxuu noqon doonaa waqti aad u qurux badan ee dhinac kasta ah, waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysan doono koobka aduunka, isla markaana ay maalinta Axada ay inoo noqon doonto  maalin farxad inoo wada ah dhamaanteen”.