Inuu Messi Wax Walba Sameyn Karo, Kalsoonida Ay Galineyso Guushii Juventus & Tababare Ernesto Valverde Oo Ka Hadlay Bandhigii Wiilashiisa Kulankii Xalay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Sep 13, 2017

Barceona ayaa si fiican uga aargudatay Juventus, iyadoo Lionel Messi uu markii ugu horeysay iska dhaqay ceebta ah inuusan waligisii gool ka dhalin halyeyga Juventus Ginaluggi Buffon.

Balaugrana oo marti loogu ahaa Camp Nou waxey ku awood sheegatay 3-0, waana natiijo la mid ah midii looga soo adkaaday dhawr bilood ka hor garoonka Allianz Stadium ee ay leedahay Juventus lugta hore  quarter final-ka Champions League.

Lionel Messi labadiisa gool waxey keentay inuu amaan balaaran ka helo tababaraha Barcelona Ernesto Valverde kaas oo shirkiisa jaraa’id si wacan ugu sharaxay waxa uu kulanka kaga dhignaa.

“Waxaan qabaa dareen ah in marka uu Lionel Messi kubadda helo, wax uun ay dhacayaan, wax walba. balse waxe noqon doontaa wax noo fiican” ayuu yiri Valverde.

“Lionel Messi wuxuu dhaliyay gool aan caadi aheyn, nasiibka ayaana dhinaciisa ahaaday, wuxuu gool ka dhalin karaa boos walba, waana mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda kooxda, sidaas darteed waan wax caadi ah inaan si wanaagsan uga hadalno isaga”

Dhanka kale Ernesto Valverde ayaa aaminsan in bandhigii xalay uu muhiim u ahaa kooxdiisa isla markaana ay kalsooni dheeraad ah galineyso.

“Waxaan la ciyaarnay kooxdii final-ka tagtay xilli ciyaareedkii hore, waa dareen wanaagsan inaan guul ku bilaabano. dadka waxey fahansan yahiin in kulankaan ay qasab noogu tahay inaan dulqaadano”

“Waxey aheyd koox weyn, waxaan ula ciyaarnay si wacan, sidaas darteed waxey nooga dhigan tahay guul muhiim ah”

“Kooxda si tartiib ah ayey usoo wacnaaneysaa, inagoo og waxa aan dooneyno, waxeyna tan noogu tirsameysaa sadexdeenii guul ee horyaalka. waa guul wacan oo kalsooni leh”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments