Inuu Man United Ka Doortay Barcelona, Xiriirka Kala Dhaxeeya Guardiola & Ronaldinho Oo Ka Hadlay Hadii Uu Ka Qoomameyay Doorashadiisa Camp Nou.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Halyeyga reer Brazil Ronaldinho ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay GQ Magazine isagoo ka hadlay wax walba oo ku xeeran min Paris Saint Germain ilaa dhamaadka waayahiisa Barcelona.

Ronaldinho wuxuu qarka u fuulay inuu ku biiro Man United madama Sir Alex Ferguson uu Paris Saint Germain kula heshiiyay 30 Malyan Oo Pound ka hor inta uusan dooran kooxda ka dhisan gobolka Catalan.

Ronaldinho wuxuu doortay Barcelona oo qudheeda la niyad jabsaneed go’aankii David Beckham uu ku doortay Real Madrid madama uu u ahaa bartilmaameedka koowaad.

“Marka aan ka tagayay PSG iyo inta aanan imaan Barcelona, waxaan helay fursad aan ugu biiro Man United, waaxaan ahaa mid aad ugu dhaw” Ayuu yiri Ronaldinho.

“United waa koox weyn, ciyaariyahan walba ayaana jecel inuu u ciyaaro koox weyn, balse waxey ila tahay inaan doortay horyaalka [La Liga] iyo kooxdii [Barcelona] igu habooneyd”

“Sidaa darteed, wax qoomamo ah ma jirto”

“Waan dhameystiray. Waxaa jira kooxo badan, halkaas oo ciyaariyahan walba oo uu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro sidaas darteed wey adag tahay in mid la doorto, wadan walba waxaa jirta laba, sadex ama afar, xidig walba ayaana jeclaan lahaa inuu xagaas ahaado”

“Waxaan fursad u helay inaan u ciyaaro kooxo badan oo Premier Leauge-ga ah, balse waxaan filayaa in go’aamadii aan qaatay ay ahaayeen kuwo sax ah”

Dhanka kale Ronaldinho oo laba horyaal kula guuleystay Barcelona mudadiisa sidoo kalana la qaaday Champions League ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Guardiola kaas oo sanadkii 2008 ka iibiyay Milan.

“Waxaa nahay saaxiibo isku wanaagsan. sababtoo ah waxaan iska helnay wanaag, Pep wuxuu fahmay inaan aniga doonayo inaan baxo, waxeyna ii aheyd wax aan si fudud ku sameeyay sababtoo ah xiriirkeena wacan”

“Waan ku guuleystay wax walba oo aan awooday, waxaan leeyahay riyooyin kale, mid ka mid ah waxey aheyd inaan aado Milan”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments