Inuu La Kulmay Unai Emery, In Shaqada Laga Ceyriyay Wenger & Go’aankii

Kubad sameeyaha West Ham Jack Wilshere ayaa shaaca ka qaaday in shaqada laga ceyriyay Arsene Wenger xilli wararkii la helay ka hor koobka Adduunka ay sheegayeen in macalinka reer France uu iska casilay xilkii uu u hayay kooxda muddo 22-sano kadib.

Xiddigii hore Gunners ayaa isaga tagay Emirates Stadium afar bilood kadib is casilaadii tababarahii soo banaan bixiyay ee Arsene Wenger, balse markaan wuxuu banaanka soo dhigay waxyaabo badan oo ku saabsan Wenger iyo mustaqbalkiisa.

26-jirkaan wuxuu maanta guuldaro la gudoomay kooxdiisa cusub kadib markii ay 4-0 guuldaro ah kala kulmeen Liverpool kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Labadii fasal ciyaareed ee lasoo dhaafay xiddigaan shaki ayaa la galinayay mustaqbalkiisa, kadib markii dhawr jeer uu dhaawacmay, waxaana xusid mudan inuu amaah kusoo qaatay kooxda AFC Bournemouth.

“Waxaan ku jiray sanadkii iigu dambeysay qandaraaskeyga, waxaan la hadlay macalinka waqtigaas (Arsene Wenger), wuxuuna ii sheegay ineysan kooxda heshiis cusub iga dalban isla markaana aan bixi karo” ayuu yiri Jack Wilshere.

“Balse waqtigaas waxaan ahaa dhaawac, weyna adkeyd sababtoo ah ma aheyn mid taam buuxa u ah inuu ciyaaro, mana jiraan kooxo badan oo xiddig dhaawac ah doonaya”

“Waxaan go’aansaday inaan joogo isla markaana kusoo laabto kooxda, ugu dambeyntii January ayey isoo bandhigeen heshiis, anna waxaan diyaar u ahaa inaan saxiixo, balse Arsenal ayaa la ceyriyay”

“Waxey aheyd sheeko dhib badan, qof walba wuu yaabay, Per Mertesacker oo ah kabtanka ayaa dhawr eray sheegay, waxey ila tahay in qof walba yaabanaa”

“Waxaan la hadlay macalinka cusub, wuxuu ahaa mid daacad ah oo wanaagsan, balse wuxuu ii sheegay inaan joogi karo balse aan heleynin safka hore, waxaan ugu dambeyn go’aansaday inaan baxo”