Inter Milan Oo Saxiixa Radja Nainggolan Ka Dhiganeysa Maqaalintii Ay Kusoo Dabi Laheyd Antonio Conte.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Warbixino ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Inter Milan ay u dhaqaaqeyso soo xerogalinta burburiyaha reer Belgium iyo kooxda Roma Radja Nainggolan si ay si sahlan ugu hesho tababare Antonio Conte.

Xidigaan reer Belgium waa kan uu mar walba doorbido tababaraha Chelsea Antonio Conte, isagoo isku dayay inuu lasoo saxiixdo maalmahiisii Juventus iyo maalmahiisa haatan ee Stamford Bridge – Tuttosport ayaana ku warameysa in sidaas darteed Inter Milan ay u dhaqaaqeyso saxiixa 29-jirkaan.

Roma waxey u baahan tahay iney lacageheeda sare u qaado si ay uga badbaado ciqaabta xeerka dhaqaale wanaaga iyagoo doorbidaya iney qiimo u dhaxeeya 50 ilaa 60 malyan oo Euro ku iibiyaan Nainngolan.

Ever Banega ayaa laga yaabaa inuu heshiiska qeyb ka noqdo madama 28-jirka reer Argentina uu waqtigii Sevilla lasoo shaqeeyay agaasimaha ciyaaraha As Roma Monchi.

Si kastaba Inter Milan oo aan wali ka quusan helitaanka Antonio Conte ayaa aaminsan iney saxiixa Radja Nainngolan ku heli karto macalinkii hore Juventus.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments