Iniesta Oo Kooxdiisa Barcelona Uga Digay Damaca Man CIty Ee Ah Iney Kubada Ka Heystaan Lana Ciyaaraan Kubad Heysi

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Oct 18, 2016

Kabtanka kooxa Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay ka digtoona damaca Man CIty ee ah iney kubada ka heystaan isago sheegay in Citezens ay la qabsadeen qorshe ciyaareedka Pep Guardiola.

Man City ayaa soo gaari doonta Camp Nou iyagoo aan wax guul ah gaarin sadexdii kulan ee ugu dnabeysay, wuxuuna Iniesta qabaa in midaas aysan waxba u dhibeen kooxaan.

Isagoo la hadlayay boga rasmiga ah ee Barcelona wuxuu yiri “Man City waa koox weyn oo heysata ciyaartooy adag, waxayna sameeyeen saxiixyo cajiib ah xagaagii”

“Waxaan imaan doonaa ciyaartaan anagoo qabna hamuun aan caadi aheyn, waxaana ku dadaali doonaa inaan guuleysano si aan meel fiican u jogno”.

iniesta-efe-1475141616943

“Guardiola kooxihiisa marwaliba waxay rabaa iney u ciyaaran sida uu isaga rabo waana sidaas sida ay haatan u ciyaareyso Man City, inkastoo uu waqti kooban joogay halkaas waxay xili horeba qaateen nidaamkiisa” ayuu yiri Andres.

“[City] waa koox kamid ah kooxaha xoogan waxayna kamid yihiin kuwa yar ee lagu tirin karo iney hanan karaan  Champions League.”

 

Like it? Share it!

4 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Abdisalam 18-10-2016 at 3:26 pm - Reply

    VIVA MANCHESTER CITY

  2. Abdisalam 18-10-2016 at 3:24 pm - Reply

    Sas waye usidig

  3. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 18-10-2016 at 2:52 pm - Reply

    Siduu.sheegey.kabtanka.kooxda.barcelona.ee.andres.iniesta. man,city.waxy.doonaysaa.in.ay.khiyaamayso.taasina.dhicimayso.markaa.messi & man,city.kaligii.markey.arkaan.ayey.khalkhalaan markaa.camp,Nou waanu.kubireynaynaa.habeendenbe.inshaalaa

  4. abdi jafar 18-10-2016 at 2:34 pm - Reply

    waaa la kufsan doona city

Leave A Response