Iney Yahiin Koox Khibrad Leh, Paris Saint Germain Iney Awood Leedahay & Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Koobka Aduunka.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday iney u baahan yahiin soo bandhigista qaab ciyaareedka ugu fiican oo ay ku garaaci karaan Paris Saint Germain, isagoo si cabsi galin ah sadexley uga dhaliyay todobaadkaan Real Sociedad.

Kabtanka Portugal oo gacanta loo galiyay abaalmarinta GOAL 50 oo lagu abaalmariyo xiddiga ay shabakadda Goal u arkaan inuu yahay midkii ugu wanaagsanaa, maadaam uu waxqabad aan caadi aheen soo bandhigay sanadkii hore.

“Waxaan dooneynaa inaan ka hortagno koox weyn oo leh ciyaartoy fiican, balse waa inaan soo bandhignaa in Real Madrid ay leedahay saf xoogan oo leh khibrad” ayuu yiri Cristiano Ronaldo.

“Waa inaan aad diiradda u saarno isla markaana aan laba kulan oo cajiib ah ciyaarno si aan ugu gudubno wareega xiga ee Champions League”

“Waa inaan si weyn u xushmeyno PSG, balse waxaa nahay kuwa aad u mideysan”

Dhanka kale Ronaldo ayaa si hoose ku bilowday kulamada La Liga, balse xidigii hore Man United aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu dib u helay hanaankiisa.

“Waxaan mar walba isku dayaa inaan ciyaaro habka ugu fiican ee heerkeyga”

“Mararka qaar waxyaabaha uma dhacaan sida aad rabtay”

“Si kastaba, khibradda ayaa i bartay inaan sii wado hawsha adag si aan u gaaro hamigeyga”

Ugu dambeyntii waxaa wax laga weydiiyay arinta koobka Aduunka xilli Portugal ay yahiin kuwa difaacanaya koobka European Championship, balse wuxuu shaaca ka qaaday ineysan aheyn mid ka mid ah kuwa ugu cad-cad.

“Waan ognahay in Portugal aysan ka mid aheyn wadamada ugu cad-cad”

“Wadamada ugu cad-cad, waxaa ka mid ah: Spain, Germany, France, Argentina iyo Brazil”

“Si kastaba, waxaa nahay koox taqaana iney heerka sare u tarami karaan”

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. farhan 15-02-2018 at 9:14 am -

    roanaldo waa kan abid ugu fican kubada cagta

  2. abdirisack 13-02-2018 at 8:09 pm -

    Realmadrid iyo psg wa laba koox oo
    waweyn dhanka ciyaarta Realmadrid Ayaa ku Leh qibrad iyo Isku kalsooni ayaa psg lagawataa marka real Ayaa ku let

  3. mohamed 13-02-2018 at 5:40 pm -

    xaqiiiqdu waxaa weeye
    inay real madrid
    naftooda u horayaan koobkan
    sababtoo ah wax kale faro kuma hayaan
    mida kale PSG wali
    lamaysan kulmin koox weyn ee
    wxy eryataaa caruuro yar yar
    Bal markaan gadaal ufiirino
    cagtiii ugu danbaysay ee ay la ciyaartay
    munich waa tiii sedexda
    loo dhiibay
    marka ilama ahay inay real madrid
    dhaafi

  4. c/raxman jaamac fegende 13-02-2018 at 2:23 pm -

    dhaman waa salamantihiin .
    ronaldo mahan mid uciyaraya sidii hore .
    balse waxa saameyay maqaan .
    lakiin maha inuu u hadlo siaan waafaqsanayn. tagerayasha.

  5. ahmed 13-02-2018 at 1:46 pm -

    waxaan aragti ahaan ka dhibanayaa Real iyo PSG waa la kooxooyood oo waaweyn hadana waxaad moodaa inaysan PSG iska dhicin karin Real sababtoo real waa naadi rag khibrad ay u dheelaan oo koobabka aduunka soo qaaday marka khibrad baa lagu dilayaa PSG