Iney Kubadda Cagta Ka Dhigtay Shaqsi Wanaagsan, Waxa Uu Qaban Lahaa La’aanteed, Xasuustiisa Maalmahii Mugdiga Juventus & Gianluigi Buffon Oo Waxyaabo Badan U Sheegay Gerard Pique.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 17, 2018

Goolhayaha Juventus Gianluigi Buffon ayaa ku dhaw inuu siibo gacmo gashiga uu xirnaa muddo badan, wuxuuna doonayaa inuu ku dhawaaqo shaqo ka fariisadka isago waayo badan goob joog u ahaa.

Goolhayaha reer talyaani ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya noloshiisa, haba ugu horreyso sida ay kubadda cagta uga dhigtay shaqsi fiican, waxa uu qaban lahaa hadii uusan xirfadle noqon laheyn iyo guulaha ay waqtigaan ku raaxeysaneyso Juventus sida ay ku timid.

Buffon wuxuu la fariistay wax badanna uga warramay Gerard Pique, waxaana madasha martigaliyay The Players’ Tribune.

Waa Maxay The Players’ Tribune? Si aadan ugu wareerin hadii aad ku aragto xogaha kubadda cagta la xiriira ee aan gudbino, waxyar aan idiin sharraxno waxa loola jeedo “Afkaas qalaad”

The Players’ Tribune: waa shirkad warbaahineed oo cusub taasoo siineysa ciyaartoyda kubadda cagta fursad ay si toos ah ugula xiriraan tageerayaashooda sidoo kalana kusoo bandhigaan oraahdooda – waxaana abuuray Derek Jeter oo ka tiranaa xilli xidigaha ciyaara ciyaarta Baseball.


“Waxaan jeclaan lahaa inaan qaato cashiro ku saabsan sida loo noqdo agaasime, macalin ama tababare, kadibna aan doorto mid ka mid ah anigoon ku dhaqsan” ayuu Buffon u sheegay Pique.

“Kubadda cagta la’aanteed, waxaan hubaa inaan noqon lahaa shaqsi xun” ayuu mar kale yiri goolhayaha kooxda Juventus.

“Waxaan u maleynayaa inaan noqon lahaa macalinka jirdhiska sida waalidiinteyda, dhankaas ayaan u jiheysan lahaa. Waligey waan jeclaa ciyaaraha waqtigaan caruurta ahaa, balse kubadda cagta ayaa iga dhigtay qof wanaagsan, sababtoo ah waxaan ku fakaraa mar walba in kooxda ay tahay muhiim. Waa wax fiican inaad qeyb ka noqotid kooxda isla markaana aad la wadaagtid guul iyo guuldaro”

“Waxey kaa dhigeysaa mid aan anaani aheyn, waxaan u arkaa wax qurux badan, inaad noqoto qof aan anaani aheyn sidoo kalana aad dadka la wadaagto waa waxa ugu fiican ee nolosha. Inaad caan noqoto waxey leedahay wanaag iyo xumaan. Xumaanta waa sida marka aad sameyso wax qaldan lagana buun-buuniyo TV-yada iyo wargeysyada”

“Dhibaatada ka dhalata buun-buunintaas ayaa kugu dhalin kara inaad naftaada weydiiso inaadan u qalmin xanuunka natiijadaas, sanadhaas jahawareerka iyo dhibka badan ayaa iga caawiyay inaan sameeyo hormar”

Juventus ayaa ku guuleysatay horyaalkii 7-aad ee talyaaniga si xiriir ah, balse Buffon wuxuu inyar dib u milicsaday waqtigii ugu xumaa kooxda markaas oo ay lugaha la gashay fadeexadii Calciopolli – Natiijadii ka dhalatayna waxey aheyd in heerka labaad loo celiyo.

“Waxey aheyd waqti qofka aniga oo kale ah uu u baahnaa inuu diro fariin, ciyaartoyda sidoo kale ayey dareensanaayeen, waxaana jirta nolol ka badan midda ay ku siineyso lacagta iyo caannimada, mar kale ayaan sameyn doonaa”

“Waxey aheyd sanad xiiso badan, kadib laba sano oo wanaagsan oo aan labaad iyo sadexaad ku dhameyanay kadib waxaa yimid laba ama saddex sano oo aad u xun, Juve waxey noqotay koox aan la aqoonsan, waxaan luminay ruuxiyadii, waxaan luminay aqoonsigii sidoo kalana waxaan luminay dabeecadii wanaagsaneyd”

“Sanadaha qaar waxaan ku dhameysanay lixaad iyo todobaad, waxaana nafsadeyda weydiiyay: “Maxaan dunidaan oo dhan midaan uga doortay? balse waxaan ahaa mid si aamusnaan ah u hadlay, sababtoo ah waxaan ahay sida caadiga ah qof fiican hadana leh rajo wanaagsan. Waan hubaa in shaqada adag iyo hab-dhaqanka wanaagsan in mar walba looga gudbo”

189 Shares

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. stylesh man 17-05-2018 at 12:41 pm -

    halyey waliga kuma ilowi dono GIGI