Iney Kooxdiisa Dhibtoon Doonto Bilowga, Waqtiga Uu Isbadalka Filayo, Digniinta Uu Jamaahiirta Ka Siiyay Kepa & Maurizio Sarri Oo Si Faah-Faahsan Uga Hadlay Xaalada Kooxdiisa.

Tababare Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday inuu dareensan yahay dhibaatada ay kooxdiisa la kulmi karto wajiga hore ee horyaalka, sidoo kalana uu fahamsan yahay iney kooxdiisa u baahan tahay waqti ay kula qabsato xeeladiisa.

Sarri wuxuu cabsi galiyay jamaahiirta Blues maadaama uu ku wargaliyay uu yaraan labada bilood ee ugu horreysa horyaalka uu filanayo dhibaatooyin, meeshana kama saarin in wiilashiisa ay soo rogaal celin fiican sameyn doonaan qeybta dambe ee horyaalka.

Macalinkii hore Napoli wuxuu taabtay sida ay kooxdiisa u saameyn karto dhibaatada gool dhalis la’aanta, balse uu isku dayi doono inuu baro ciyaartoydiisa sida loo dhaqaaqo iyadoo uu jiro socod badan isla markaana looga miradhaliyo weerarka.

Ka hor kulanka maanta Maurizio Sarri wuxuu kaga digay jamaahiirta iney goolhayaha cusub ee laga dhigay kan ugu qaalisan dunida booskiisa Kepa Arrizabalaga ka fishaan inuu qabto shaqadii uu qaban jiray Thibaut Courtois, waxaana la rajeynayaa inuu kusoo bilowdo kulanka maanta ay la ciyaari doonaan Huddersfield Town.

“Waxaan rajeynayaa qeybta labaad ee horyaalka iney noo fiicnaan doonto isla markaana aan heli doono dhibco badan” ayuu yiri Sarri. “Waxaan rajeynayaa qeybta hore horyaalka iney jiri doonto dhibaato, waa hubanti, waqtigaan, awoodeena ma ahan heer sare, waan ciyaarnay kulamada fasaxa, maxaan dhihi karaa? sida caadiga ah, laga yaabee. Sidaas darteed hadda ma nihin kuwa heer sare ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarri.

“Waa inaan ku ciyaarnaa xawaare kale, waqti xaadirkaan ciyaartoyda waxey uga fakarayaan si aan caadi aheyn, waxa ku saabsan waxa aan sameyneyno. Sidaas darteed kubadda kuma dhaqaaqeyso xawaaraha saxda ah”

“Hadii aan awoodno inaan u ciyaarno si xawaare leh, laga yaabee ineysan gooldhalinta dhib nagu noqon, balse xawaaraha hadda – waa mid dhibaato nagu ah”

“Waxaan imid bartamaha July, sidaas darteed dhibta halkaas ayey ka timid, waa inaan aqbalo, balse mustaqbalka wey noo fiicnaan laheyd inaan badalno. Maamulka wey ogyahiin”

“Xaaladda Courtois waa mid iska cad, wuxuu doonayay inuu aado Madrid. Sidaas darteed waxaan luminay mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu muhiimsan aduunka”

“Balse waxaan soo iibsanay mid ka mid ah goolhayeyaasha da’da yar kuwooda ugu muhiiman yurub, sidaas darteed aad ayaan uu faraxsanahay, waxaan rajeynaa inuu si dhaqso leh hormar u sameeyo, balse waqtigaan ma ahan Courtois”