Iney Daawadeen Muuqaalo, Sida Ay Isugu Diyaariyeen, Waxa Looga Baahan Yahay & Nemanja Matic Oo Ka Sheekeeyay Qorshahooda Anfield.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Kubad burburiyaha Manchester United Nemanja Matic ayaa ka sheekeyay sida ay kooxdiisa isugu diyaarisay kulanka adag ee ay xiliga qadada la ciyaarayaan Liverpool, waana tijaabada ugu adag ee ay maryaan wiilasha Jose Mourinho.

Macalinka reer Portugal ayaa ciyaartoydiisa tusiyay muuqaalo ka turjumaya hanaanka wiilasha Jurgen Klopp si ay kaga digtoonaadan waxa ay la kulmi karaan kulanka Anfield.

Nemanja Matic oo kamid noqday xidigaha ugu fiican ee Red Devils sida fiican ula qabsaday ayaa qiray iney heleen qorshe ay kaga hortagaan xawaaraha ciyaartoyda Liverpool marka ay labada kooxood ee ugu guulaha badan Ingiriiska isku qabtaan Anfield.

“Waxaan isku diyaarinay si wacan” ayuu yiri Matic kaas oo la rajeynayo inuu door ku yeesho isku dayga lagaga hortagayo weerarka Liverpool.

“Macalinka wuxuu na siiyay muuqaalo si aan u aragno sida ay yahiin koox ahaan, sida aan ku joojin karno, sidaas darteed waxaan hubaa inaan diyaar u noqon doono”

“Waxey mar walba doonaan iney gool dhaliyaan 10 ilaa 15 daqiiqo. waa inaan diyaar u noqonaa midaas, waa inaan si aad ah uga hortagnaa habka ay doonayaan iney isku dayaan”

“Waan ku ciyaaray Anfield dhawr jeer,  mar walbana ayeyna isku dayaan sidaas, balse waxaan leenahay tayo aan ku joojino”

“Waa kulan weyn, waa kulan qaas u ah taageerayasheena iyo kuwooda, waxaan hubaa in kuweena ay ku raaxeysan doonaan isla markaana ay na taageeri doonaan dhamaan 90-ka daqiiqo, waxaana isku dayi doonaan inaan ka dhigno kuwa faraxsan dabcan”

“Sida aan sameyno kulan walba, waxaan ku qasbanahay inaan diirada saarno 90-ka daqiiqo, waa inaan ka taxadarno dhawr arimood, sababtoo ah waxey nagu noqon karaan qatar”

“Waa muhiim inaan ogaano heer walba oo kulanka ah iyo wixii aan qaban laheyn”

“Qalad walba oo yar wey kugu ciqaabi karaan, sidaas darteed inaan xooga saarno waa noo muhiim, balse sidoo kale waa inaan tayadeena u adeegsanaa inaan goolal dhalino sidoo kale”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments