Imisa Sannadood Oo Xadhig Ah Ayey Mutaysanayaan Xiddiga Ruushka Ee La Xidhay?

Laba ciyaartoy oo ka tirsanaa xulka qaranka Ruushka ayaa ku jira xabsi ku yaalla dalkaas oo si hordhac ah loo sii geliyey inta baadhitaanku socdo, kaas looga sii gudbin doono jeel rasmi ah oo ay muddo sannado ah ku qaadan doonaan.

Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa ogolaatay in muddo laba bilood ah ay xidhnaadaan Aleksandr Kokorin iyo Krasnodar, muddadaas oo noqon doonta mid baadhitaan ah oo ay kusii jirayaan xabsiga inta la dhamaystirayo baadhitaanka kiiska loo haysto ee ah inay dhaawacyo u geysteen sarkaal ka tirsan dawladda oo ay maqaaxi ku weerareen xilli uu ka cuntaynayey.

Nin ay walaalo yihiin Kokorin oo lagu magacaabo Kirill ayaa isagana la xidhay Isniintii kaddib markii uu waxyeelo dhaawacyo ah u geystay darawal.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Dnis Park ayaa loola cararay cusbitaalka markii ay gacanta ula tageen labada laacib ee  Aleksandr Kokorin iyo Pavel Mamaev halkaas oo daaweyn loogu sameeyey.

Kooxaha ay u ciyaaraan  Aleksandr Kokorin iyo Pavel Mamaev  ayaa ku dhowaaqay inay ka baxayaan heshiisyadii ay kula jireen, isla markaana aanay dib dambe ugu ciyaari doonin, iyadoo ay seegi doonaan ciyaaraha xulka qaranka dalkaas ku soo fool leh ee tartanka UEFA Nations League iyo kulamada saaxiibtinimo ee is xiga.

War-saxaafadeed uu soo saaray horyaalka kubadda cagta Ruushka ayaa lagu sheegay inay si xoog ah u cambaaraynayaan hab-dhaqanka budhcadnimada ah ee ay ku kaceen Aleksandr Kokorin iyo Pavel Mamaev, isla markaana y sumcad xumo usoo jiideen naadiyadooda FC Zenit, FC Krasnodar iyo waliba dhamaan kubadda cagta Ruushka.

Waxa uu maamulka Ruushku ku taliyey in ciqaab adag la marsiiyo labadan ciyaartoy.

Ururka ciyaartooyada dalka Ruushka ayaa isaguna war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ciidamada ammaanka kaga dalbaday inay tallaabo sharci ah ka qaadaan, ciqaabtoodana ay marsiiyaan, taas oo la fiilayo inay noqon doonto ugu yaraan shan sannadood oo xadhig ah.

Kooxda Krasnodar ayaa iyaduna sheegtay inay baabi’isay qandaraaskii ay kula jirtay Mamaev, halka Zenit ay xustay in heshiiska ay kula jirto Kokorin uu dhigayo in xaalad kasta oo uu ciyaartoygu galo ay difaacaan, hase yeeshee ay raadsan doonaan khabiirada sharciga si ay heshiiska u baabi’iyaan.