Hordhaca: Man United v West Ham – Afar Maalmood Gudaheed Ayay Markii 2aad Old Trafford Ku Kulmayaan Iyagoo Caawa U Tartamaya Semi-finalka EFL Cup.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Kulanka: Man United v West Ham

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

Manchester United iyo West Ham ayaa markii labaad afar maalmood gudahood ku kulmaya Old Trafford iyagoo caawa u tartami doona inay buukintaan booskooda semi-finalka EFL Cup.

Kulankoodii Axada ee horyaalka Premier League waxa uu ku dhamaaday barbaro 1-1 ah iyadoo Man United ay iska qasaarisay kulankaas fursado badan oo ay seddexda dhibcood ku qaadan kareen, waxaana ay kulanka caawa u arkaan mid ay ku aargudan karaan.

Bastian Schweinsteiger ayaa laga yaabaa in caawa fursad la siiyo markii ugu horeysay isagoo kooxda ka maqnaa inta badan xilli ciyaareedkan.

7b599b6c7d0c41b29d69716b5f0f690f-ashx

MAXAA KA CUSUB?

Xiddigaha khadka dhexe Paul Pogba iyo Marounae Fellaini ayaa labadaba seegi doona kulanka caawa ee wareega 8da EFL ay Man United la ciyaareyso West Ham sababo la xiriira ganaax.

Labada ciyaaryahan ayaa qaatay jaalahoodii shanaad ee xilli ciyaareedka markii labada kooxood ay barbaro 1-1 ku galeen Premier League Axadii.

Weeraryahanka West Ham Diafra Sakho oo dhaliyay goolkii Old Trafford ee isbuucaan ayaa ganaax muruqa ah ku seegaya kulanka caawa.

Andy Carroll ayaa ku dhow inuu ka soo laabto dhaawac jilibka ah halka daafaca Winston Reid uu diyaar yahay ka dib markii uu ganaax soo dhameystay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United ( 4-2-3-1): Romero; Darmian, Rojo, Jones, Valencia; Carrick, Herrera, Rashford, Rooney, Mkhitaryan; Ibrahimovic.

West Ham (3-4-3): Randolph; Ogbonna, Collins, Kouyate; Cresswell, Noble, Obiang, Antonio; Payet, Fletcher, Lanzini.

MA OGTAHAY?

  • West Ham ayaa raadineysa inay gaarto semi-finalka League Cup markii 10aad taariikhdooda iyo markii ugu horeysay tan iyo 2013-14.
  • Markii ugu danbeysay ee ay Man United iyo West Ham ku kulmaan League Cup waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2010-11 iyadoo Hammers ay 4-0 ku badisay kulankii wareega 8da.
  • Kooxda Red Devils ayaa kaliya hal kulan looga badiyay gurigooda 24kii kulan ee ugu danbeysay ee League Cup ee ay la ciyaareen kooxaha Premier League, waxaana kulankaas ka badiyay Chelsea bishii Janaayo 2005.
Like it? Share it!

Leave A Response