Hordhaca Group G Ee Champions League: Leicester City Oo Raadineysa Guusheedii 3aad Ee Isku Xigta Halka FC Porto Aysan Weli Badinin.

by Saed Balaleti | Tuesday, Oct 18, 2016

untitled-1-660x330

Kulanka: Leicester City v København

Garoonka: King Power Stadium

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Nicola Rizzoli (Italy)

Markii seddexaad, Leicester City ayaa kulan Champions League ah ciyaareysa iyadoo guuldarro culus ay ka soo gaartay horyaalka Premier League.

Kooxda Claudio Ranieri ayaa ku dhibtooneysa inay soo bandhigto qaab ciyaareedkii ay horyaalka ku qaadeen xilli ciyaareedkii h--e laakiin kulan Champions League ah oo ay gurigooda ku ciyaarayaan waa wax kale, la yaabna ma noqon doonto inay mar kale badiyaan.

Leicester City ayaa 9 dhibcood yeelan karta caawa ka dib markii ay soo badiyeen labadii kulan ee ay la soo ciyaareen Club Brugge iyo FC Porto ee Group G waxaana ay u dhawaan karaan inay u soo gudbaan wareega 16ka.

Ranieri ayaa rajeynaya in Riyad Mahrez iyo Islam Slimani oo kursiga keydka fadhiyay kulankii Chelsea ilaa iyo daqiiqadii 67aad inay wacdarro dhigaan kulanka caawa ay la ciyaarayaan kooxda København.

MAXAA KA CUSUB?

Tababare Ranieri ayaa heysta koox inta badan taam ah uu ka soo xusho shaxdiisa, waxaana la filayaa inuu shaxdiisa ku soo celiyo Riyad Mahrez iyo Slimani kuwaasoo kursiga keydka ku bilowday kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Chelsea isbuucaan ee Premier League.

Waxaa kaliya dhaawac canqowga ah kaga maqan Mendy, halka Slimani uu isna halis ugu jiro inuu seego kulanka soo socda haddii uu calaamad digniin ah qaato caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Leicester: Schmeichel; Simpson, Morgan, Huth, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Amartey, Albrighton; Slimani, Vardy.

København: Olsen; Ankersen, Jørgensen, Johansson, Augustinsson; Verbič, Delaney, Kvist, Toutouh; Santander, Cornelius.

Kulanka: Club Brugge v FC Porto

Garoonka: Jan Breydelstadion

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Paolo Tagliavento (Italy)

Kooxda FC Porto oo leh kaliya hal dhibic ayaa dooneysa inay gaarto guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan Champions League ka dib guuldaradii ka soo gaartay Leicester City kulankii ugu danbeeyay waxaana ay wajahayaan kooxda Club Brugge oo afar dhibcood leh islamarkaana ku hamineysa inay u soo gudubto wareega 16ka.

SHAXDA MACQUULKA:

Club Brugge: Butelle; Van Rhijn, Poulain, Denswil, Cools; Claudemir, Simons; Vanaken, Vormer, Gedoz; Vossen.

Waxaa ka maqan: Refaelov, Engels, Izquierdo, De Bock, Mechele, Bruzzese.

Waxaa shaki ku jiraa: Diaby

Waxaa ganaax ku maqnaanaya haddii jaale uu qaato: Simons, Vormer

FC Porto: Casillas; Layún, Felipe, Marcano, Alex Telles; Danilo, Herrera, Otávio, Óliver, Diogo Jota; André Silva.

Cidna kama maqna, mana jirto cid halis ugu jirta inay seegaan kulanka soo socda haddii ay digniin qaataan caawa.

Like it? Share it!

Leave A Response