Hordhaca Group F Ee Champions League: Real Madrid & Borussia Dortmund Oo Caawa U Tartamaya Hogaanka Group-ka.

by Saed Balaleti | Tuesday, Oct 18, 2016

2399132_biglandscape

Real Madrid v Legia Warsaw

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Ruddy Buquet (France)

Kooxda Real Madrid ayaa wadada guusha ku soo laabatay isbuucaan ka dib afar kulan oo isku xigta oo ay barbaro galeen tartamada oo dhan iyagoo 6-1 ku xasuuqay kooxda Real Betis horyaalka La Liga, tababare Zidane ayaase ka digay inay ciyaartoydiisa guushaas israaciyaan.

Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo barbaro 2-2 ah galay kulankii ugu danbeeyay ee Group F ayaa ku dagaalamaya caawa kaalinta koowaad ee Group-ka iyadoo Real Madrid ay Bernabeu ku soo dhaweyneyso kooxda Leiga Warsaw, halka Borussia Dortmund ay u safreyso kooxda Portugal iyagoo wajahaya kooxda Sporting Lisbon.

Real iyo Dortmund ayaa min afar dhibcood leh ka dib labo kulan oo la ciyaaray, halka Sporting ay leeyihiin seddex dhibcood, Leiga Warsaw wax dhibic ah ma lahan.

Madrid lagama badinin 22 kulan tartamada oo dhan, halka Legia Warsaw laga badiyay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaareen. Cristiano Ronaldo ayaana ku dhow inuu gaaro goolashiisii 100aad ee Champions League isagoo haatan dhaliyay 98 gool.

Madrid ayaa badisay todobo kulan oo isku xigta oo ay gurigooda ku ciyaareen Champions League, halka 21 sannadood laga joogo markii ugu danbeysay ee ay Legia guul ka gaarto Champions League.

MAXAA KA CUSUB?

James Rodriguez ayaa ku soo laabtay shaxda Real Madrid ka dib markii uu dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka, laakiin waxaa weli ka maqan Sergio Ramos iyo Luka Modric oo dhaawacyo jilibka ah qaba, halka Casemiro uu ku maqan yahay dhaawac lugta ah, iyadoo Coentrao uu isna weli ka soo kabsanayo dhaawac muruqa ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Navas; Danilo, Pepe, Varane, Nacho; Kovačić, Kroos, Rodríguez; Bale, Morata, Ronaldo.

Legia Warsaw: Malarz; Bereszyński, Czerwiński, Rzeźniczak, Hlousek; Radović, Moulin, Jodłowiec, Odjidja, Guilherme; Nikolić.

Sporting Lisbon v Borussia Dortmund

Garoonka: José Alvalade

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)

Kooxda Borussia Dortmund waxaa dhaawacyo kaga maqan Marco Reus, Schurrle, Guerreiro, Durm, Bender, Castro iyo Schmelzer. Waxaa sidoo kale shaki ku jiraa taam ahaanshaha Papastathopoulos.

Dhanka kooxda Sporting waxaa iyagana dhaawac kaga maqan Adrien Silba, Jefferson, Petrovic, Bruno Paulista.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Sporting Lisbon: Rui Patrício; João Pereira, Coates, Ruben Semedo, Zeegelaar; William Carvalho, Elías, Bruno César, Gelson, Bryan Ruiz; Dost.

Borussia Dortmund: Bürki; Piszczek, Bartra, Ginter, Passlack; Weigl; Pulišić, Götze, Kagawa, Dembélé; Aubameyang.

Like it? Share it!

7 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. sucaado 18-10-2016 at 4:25 pm - Reply

    real madrid 3 2

  2. D.r balck 18-10-2016 at 3:43 pm - Reply

    Marcelo la.aan way adagtahay in cawa an badino

  3. indho libaax 18-10-2016 at 1:45 pm - Reply

    caawa xasuuq waalan baa loo gaysanaya warsaw

  4. sulley 18-10-2016 at 1:18 pm - Reply

    REAL MADRID WAy badinaysaa. 5:0 hoggaankana iyadaa qabanaysa.
    HALA MADRID ZIDANE AND ALL PLAYERS

  5. mohamed 18-10-2016 at 11:13 am - Reply

    Wan idin salaamay aqiyaarta real way badine waxeyna ku badine 3 1

  6. cadiro magna 18-10-2016 at 9:27 am - Reply

    real madrid caawa waa guul real madrid 5-0legia guuuul hala madrid hatric cr7bale morata

  7. king 18-10-2016 at 9:06 am - Reply

    shaxda real waa sidan
    navas carvajal pepe varane marcelo kovacic kroos james BBC waxad qorteen shax ma aha

Leave A Response