Hordhac: Russia vs Saudi Arabia – Furitaanka Tartanka & Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Horeeya Tartanka Ugu Weyn Kubadda Cagta.

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta, waana dhacdada ugu weyn kubadda cagta taasoo afartii sanaba mar lagu qabto wadamada hoos yimaada ururka ugu sarreeya kubadda cagta FIFA.

Russia ayaa markii ugu horreysay martigalin doonta, waxeyna la ciyaari doonaan kulanka ugu horreeya dhigooda Saudi Arabia kuwaas oo qudhooda leh rajada fiican oo ay kusoo gaaraan wareega 16-ka koobka Aduunka.

Fanaanka caanka ah ee Robbie Williams ayaana madadaali doono qof walba oo ku sugan garoonka ama shaashadda ka daawanaya tartanka muddo 30-daqiiqo ka hor bilaabashada kulanka.

Xulka Russia oo aan guul gaarin shantii kulan ee ugu dambeysay ayaana doonaya iney iska dhaqaan ceebta ka heysata koobka Aduunka isla markaana ay dadkooda hortooda ku gaaraan guul taariikhi ah.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Russia vs Saudi Arabia

Tartanka: Koobka Aduunka (World Cup 2018)

Garoonka: Luzhniki Stadium (Moscow)

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (6pm)

Garsoore: Nestor Pitana (Argentina)

MAXAA KA CUSUB LABADA WADAN?

Aleksandr Kokorin ayaa gabi ahaanba seegay koobka Adduunka kadib dhaawac jilibka kasoo gaaray, waxeyna guul ka sugayaan martigaliyayaasha Fedor Smolov.

Tababaraha qaranka Saudi Arabia Juan Antonio Pizzi ayaa wajahaya doorasho aan caadi aheyn oo dhanka weerarka ah, maadaama uu heysto ciyaartoy aan kala dhicin dhanka awoodda.

Mohammed Al-Sahlawi iyo Muhannad Assiri ayaa u baahday in mar walba lakala badalo kulamadii saaxiibtinimo oo ay qaranka ugu diyaar garoobayeen koobka Adduunka.

SHAXDA MACQUULK AH:

Russia: Akinfeev; Smolnikov, Kutepov, Ignashevich; Samedov, Zobrin, Gazinskiy, Zhirkov; Dzagoev, Smolov, Golovin.

Saudi Arabia: Al Maiouf; Al Shahrani, Os Hawsawi, Om Hawsawi, Al Hardi; Otayf; Al Shehri, Al Jassim, Al Faraj, Al Dawsari; Al Muwallad Al Harbi.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Russia iyo Saudi Arabia waxey horey u kulmeen kaliya hal jeer, waxeyna aheyd 1993, Saudi Arabia ayaa xiligaas 4-2 guul ku gaaray kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay gurigooda.

Tan iyo markii uu kala qeybsamay dalweynahii Midowgii Suufiyeeti, Russia ma aysan gaarin wareega 16-ka koobka Aduunka saddex jeer oo ay kasoo qeybgashay 1994, 2002 iyo 2014. Saddexda jeerba waxey ku dhameysteen kaalinta 3-aad ee Group-kooda.

France ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee ku guuleysta koobka Aduunka isagoo martigaliye ah. Mar walba martigaliyaha wuxuu gaaraa wareega 2-aad ee bug-baxda, kaliya 2010 ayeysan dhicin markii ay Group-ka isaga hareen South Africa.

Saudi Arabia waa markii 5-aad oo ay kasoo qeybgalayaan dhacdada ugu weyn kubadda cagta, waana markoodii ugu horreysay tan iyo 2006. Waxey ku dhameysteen kaalinta 4-aad ee Group-ka saddexdii tartan ee ugu dambeysay, balse markooda ugu fiican waxxey aheyd koobkii USA lagu qabtay 1994 markaas oo ay gaareen 16-ka balse Sweden ayaa daaqada ka tuuray.

Saudi Arabia ayaan wax guul ah gaarin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay koobka Adduunka, 8-guuldaro iyo 2-barbaro. Xaqiiqdii guushoodii ugu dambeysay oo ay ka gaaraan tartankaan waxey aheyd wareegii group-yada koobkii Aduunka 1994 markaas oo ay 1-0 kaga badiyeen Belgium ciyaar dhacday 29-kii Juun.

Saudi Arabia kaliya hal kulan ayey shabaqooda ilaashadeen 13-kulan oo ciyaareen koobka Aduunka, markaasna waxey aheyd kulan ay 1-0 kaga badiyeen Belgium June 1994. Sidoo kale waxey ku fashilmeen iney gol dhaliyaan 7-kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Hadii uu ciyaaro Sergei Ignashevich wuxuu noqonayaa xiddigii ugu da’da weynaa ee Russia uga qeybgala koobka Aduunka, wuxuuna jiraa 38-sano 335 maalmood, isagoo ka badalaya rikoorka Lev Yashin oo horay ugu saftay qaranka isagoo jira 36-sano iyo 279 maalmood.

Russia ma aysan guuleysan shantii kulan ee ugu dambeysay koobka Aduunka, 3-guuldaro iyo 2-barbaro. Labada guul oo ay tartankaan ka gaareen tan iyo markii ay Russia noqotay dal gooni ah waxey ka heleen wadamo reer Africa ah: (6-1 ayey ku dileen Cameroon 1994, sidoo kalana 2-0 ayey ku garaaceen Tunisia 2002).

1 Comment

  1. Maasha alah furitaanka 4 sanadlaha koobka aduunka nin gurigiisa jooga waxba reeban maayo sawaxanka taageerayaashiisaa cirka maraya marka waxaan isleeyahay kooxda Asia mataleysa waa loo baqayaa martigaliyaha ayeyna iila muuqataa inay badinayaan kulanka 1 ee koobka aduunka 2018

Comments are closed.