Hordhac: Real Madrid v PSG – Zinedine Zidane Oo Imtixaankii Ugu Adkaa Wajahaya Iyo Los Blancos Oo U Baahan In Ay Kulankan Xili Ciyaareedkeeda Ku Badbaadsato.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Feb 14, 2018

Indhaha jamaahiirta caalanka ee kubada cagta ayaa waxay caawa oo Arbaca ah kusii jeedaan garoonka Santiago Bernabeu oo lagu baasan doono kulan aad u adag una xiiso badan, kadib markii ay  Paris Saint – Germain marti u noqoto kooxda reer Spain ee Real Madrid, si ay u wada ciyaaaraan lugta koowaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League-ga.

Los Blancos ayaa waxay dooneysaa in kulankan ay guul muhiim ah ay ka gaadho si ay usii kor dhiso rajadeeda ku aadan in ay u gudubto wareega xiga ee 8 dhamaadka tartanka Champions League-ga. si ay usii wadato loolanka ay ugu jirto tartanka kaliya ay qeybta ka tahay xili couaateedkan, halka Paris Saint – Germain ay raadineyso kulankan guul ama barbaro marka ay ugu yartahay, kahor inta aan la gaarin kulanka lugta labaad ee lagu ciyaari doono garoonka Parc des Princes.

Kulakan ayaa la sugayay tan iyo markii laba bilood ka hor isku aadka wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League la sameeyay waxaana kulankan lagu ogaan karaa inta ay leegtahay isbadalka awooda PSG ee ka kadib kulamadii ay labada kooxood tartankan ugu soo kulmeen markaas oo ay Real Madrid tartankan ka cidhibtirtay PSG.

Xaqiiqooyinka Kulankan:

* Kulamadii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Paris St Germain ay isku  soo arkeen ayaa waxay noqdeen kuwo garbo siman, waxayna labada kooxood ay kala heystaan min 2 guul iyo 2 barbaro dhamaan kulamadii ay isku soo arkeen tartamada yurub.

* Paris Saint-Germain ayaa awooday in Real Madrid ay ka cidhib tirto tartamada yurub laba jeer oo horey, waana xili ciyaareedkii 1992-1993 oo ay ka reebtay UEFA Cup iyo 1993-1994, labada jeerna waxay ahaayeen wareega afar dhamaadka.

* Kulanka kaliya ay Real Madrid iyo Paris St Germain ay kuwada ciyaareen tartanka Champions League-ga ayaa wuxuu ahaa xili ciyaareedkii 2015-2016 waxayna isku arkeen heerka group-yada, waxayna labada kooxood ay labada lugood ku kala baxeen guul ay Real Madrid ku gaadhay 1-0, halka kulanka kalena uu kusoo idlaaday barbaro oo wax gool ah ma aysan iska dhalinin.

* Real Madrid uu hogaaminayo Zidane ayaa badisay 10 ka mid ah 14 kulan ee ah wareegyada isreeb reebka Champions League, waxaa laga badiyay labo kulan iyo labo barbaro, waxayna mudadaas ku guuleysteen laba koobka ee UEFA Champions League-ga ah.

* Paris St Germain uma aysan gudbin wareega 8 dhamaadka Champions League shantii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, markii ugu fiicnayd waxay ugudbtay wareega afar dhamaadka xilli ciyaareedkii 1994-1995, kahor inta aysan tartanka ka cidhib tiring kooxda AC Milan.

* Real Madrid waxa ay ka qeyb qaadaneysaa tartanka Champions League-ga mudo dhan 21 sano ee xidhiidh ah, waana in ka badan inta ay kooxaha kale ka qeyb galeen taariikhda inta uu jiro tartankan, waxayna xiliyadaas ay ka gaadhay ilaa wareegayada isteeb reebka.

* Cristiano Ronaldo oo ah gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Champions League ayaa wuxuu dhaliyay 19 gool. 11-kii kulan ugu dambeeyay uu tartankan kasoo muuqday, halka xiddiga reer Portugal uu shabaqa soo taabtay kulan kasta oo Champions League ah xilli ciyaareedkan 2017/2018.

Xogta Kulankan:

Kulanka: Real Madrid Vs Paris Saint Germain

Tartanka: Kulanka Lugta 1-aad Ee Wareega 16-ka Tartanka Champions League-ga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 10: 45  Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Real Madrid: Keylor Navas, Nacho Fernandez, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo, Luka, Modric, Casemiro, Toni Kroos, Gareth Bale, Karim Benzema, Cristiano Ronaldo.

Paris Saint Germain: Alphonse Areola, Daniel Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Layvin Kurzawa, Marco Verratti, Giovani Lo Celso, Adrien Rabiot, Kylian Mbappe, Edinson Cavani, Neymar.

26 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. REAL TJ 14-02-2018 at 6:02 pm -

    INSHA ALLAH CWA WN KA GUULAYSAN DOONAA PSG

  2. Cabdirizak Caynashe 14-02-2018 at 4:05 pm -

    waxan PadiNayzaah KooXdaydaH Cashaqah Real madriD

  3. Ibrahim khadar hadame 14-02-2018 at 2:32 pm -

    Anniga shakki igagama jiro in real Madrid badiso waxan leyahay guuuul guuuul real Madrid u goo gooya oo gablada hhhhhh😂😂

  4. abdirizaak moumin ( atooshinho) 14-02-2018 at 2:29 pm -

    hala madrid waa team aduunka aan ugu jeclahay teeda kle real wali waa real ma ahan in laga shakiyo waayo psg dhaxda ayay bataati katahay ilama ahan wareer kubada dhaxda lagala wareego in ay wax ka qaban karaan caawa modric kross iyo casmiro waa diyaa hadii rabiot iyo virrati hadii la meel dhigay prerfact midfielder in la meel dhigo teeda cr7 wuuw ku soo laabtay ramos iyo marcelp waa kuwa ayagane dhab yar aan shidaynin teeda caawa si kastaba waa lagaraaci doonaa psg xitaa lama gaari doono garoonka psg caawa ayaaba ka taqlusaa waa ciyaal keena psg naymar ma ahane 3 naymar wata dhex dahii psg qad dhaxe igala wareedto way iga badisay qof qalbigaaga gali in kufsan doono psf

  5. Saki yusuf 14-02-2018 at 2:02 pm -

    Guuul real madrid inshalah🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸🇪🇸

  6. Abdullahi abdi sheikh mohamuud 14-02-2018 at 1:52 pm -

    Waxey ila thy caawo in uu dhici doono kulan aad u adag daawadayaal badana ay wada sugayaan inkastoo wax walbo la fikan karo hadana wxn guusha u saadaalinayaa kooxada real madrid maadaama aan ahay taageero madriid kulanka wuxuu ku soo idlaan donaaa 2:0 oo real aya ku adkaan doonto

  7. Khalid nadaro 14-02-2018 at 1:42 pm -

    Anigu waxan ahay tageero barca ah lkn real caawa ciyalka way xasuuqaysaa maxaa yelay anagoo ka awood yar ayaa sannadkii hore lix udhiibnay, dee marka maxaad madridna ka filan xasuuuuuuuq.

  8. Abdiwaasac Hussein 14-02-2018 at 1:06 pm -

    WAA HUBAAL INAY CAAWA REAL MADRID ISKU KALA BIXIN DOONTO PSG

  9. Apdi rohman kaize 14-02-2018 at 12:40 pm -

    marka hore salaan waxaan ahay taageera barcelona ah waana markii iigu horeysay ee aan taageeraayo xidiga barcelona sida xun uga tagay ee neymar sidaas oo ay tahay rajada aan ka leeyahay in psg ay guul ka gaadhi doonto real madrid waa %99 psg caawa waxay diyaar u tahay in ceebtii soo gaadhay sanad ka hor ay iska maydho ee kulankii 6:1ka ahaa ee camp nou neymar cavani mpabbe 6goal caawa ka rabaaa mcn

  10. MusCab Madrid BoY Nin Wax badan Og 14-02-2018 at 12:30 pm -

    Real Madrid wa nadiga calamka midas qofki xaqira k b cagta calMka waxba kama yaqan balse shakhsi team tagera waxba ma badali karo real tariikhda k b c calamka og PSG wa team xogan balse hadii aad donaysid INA cup qadid wa INA qabisha khatarta ugu adag cup kas aad rabtid wa ay badin real waliba guul awood ah hala Madrid all one love

  11. Maxamed Darwiish 14-02-2018 at 12:29 pm -

    Halka is yar saxa psg shantii xili ciyaareed ee ugu danbaysay way ugudubtay wareega 8dhamaad waxayna u gudubtay xili ciyaareedkii 2012-2013 ee Barcelonna ku reebayso Wareegga 8aad sido kale xili ciyaaredkii 2013-2014 markaas na way u gudubtay waxana ku reebtay Chelsea

  12. Maxamed 14-02-2018 at 12:26 pm -

    Real Madrid guul Inch Allah

  13. garaad c/hi 14-02-2018 at 12:24 pm -

    rael guuul guul waa naadiga adunka

  14. issack dhubow 14-02-2018 at 12:19 pm -

    wwww cawa ciyartu waxaye ku dhamaneysaa 2-1oo aye gusha ku raceyso BSG oo golasha aye kala dalin dona KAGANI iyo NEYMAR haleka aye real tarqe ku dagalameyso aya lagu tusi donaa tariqe kasii daraan eee reee rial ayakaye u tashaaa guuu BSG lkn ciyarto waa madow iyo cadaan eee wan arkidonaa wixii kadaco cawa talow nasibku xaguu ku jiridonaaa mareka waan udanaye eee ane wada sugeno asexabry mcln wcn

  15. Cadnaan 14-02-2018 at 12:19 pm -

    Anigu waxan ahay taagero Madrid ah waxa lehay koox 68sano kayar intaasna champion ka kugulaysa naysay mafilayo in ay Real Madrid tartanka kasari toonto lakin ku badu weerer kali ah kama socoto Ee dhex iyo difaac ayaa loo bahanyahay hal contract oo ay real hesho ay psg ku guul daraysan karta
    Viva Real Madrid Natiijadu waa
    Real Madrid : 3
    Psg : 1

  16. Abdihakiin 14-02-2018 at 12:05 pm -

    Kulankan aadka u xiisaha badanle ee Real vs psg waa kulan in badan la sugayey waxanan rajaynaya in real kuwa yar wacdaro tusi doonto waayo championka waa loga sheekheyey psg waxba kama arag …

  17. shafie 14-02-2018 at 12:03 pm -

    real waa father of the winner markaa no habsaan

  18. abu yaxye 14-02-2018 at 12:03 pm -

    PSG GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUÙUUUL RAJAYNAYAAA

  19. shafie 14-02-2018 at 12:02 pm -

    real madrid waa father of the winner markaa yaan lagu habsaamin

  20. Farax janagale 14-02-2018 at 11:03 am -

    I wish reds great win any time

  21. cumar bile [Omar denis] 14-02-2018 at 10:45 am -

    waxaan guul u rajeynaya real madered lacg wax ma tareyso neymar na waxba lama joogo taarikh lugu kala taagey bsg sand kasta ceeb ay kaso doonata uefa champions legea

  22. Abdiaziz 14-02-2018 at 10:43 am -

    Anigu wxn qabaa in realmadrid wacdaro la tusi doono sababta xaga weerarka aya laga xarif sanyahay
    Marka cawa wxn rajaynaynaa guul muhiim ah
    PSG💪❤

    • cumar bile [Omar denis] 14-02-2018 at 10:50 am -

      bwh waxaas walayskala tagaya yaa awood iyo taarikh leh bey tageysa anu barca ban taagera hdna madered awoodeda lma xaqiri karo waqtiga xun ay kga sugnthy laliga macneheda ma aha in real ay dagty bsg waxba lma jogto caawa xasuuq bay so donteen

  23. feysal 14-02-2018 at 10:36 am -

    cawa Aniga ahan aragtideyda waxa 2 iyo 0 Ku badin doonto PSG dawasho wcn I.a

  24. cawaale yaasiin Ali 14-02-2018 at 10:24 am -

    Real vs prs waxaan leeyahay waxay ciyaartu ku idlaan doontaa 3:1saddexda waxa leh prs halkana real guul wacan pts neymar

  25. Mabruuka 14-02-2018 at 10:16 am -

    Anoo taageere barcelona ah Caawa insha Allah guul real madrid
    Waa markii iigu horaysay een tagero madrid shukula psg