Hordhac: Real Madrid v Leonesa – Los Blancos Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijisan Doonta Booskooda Wareega 16ka Copa del Rey Caawa.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Kulanka: Real Madrid v Leonesa

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 9pm Saacada Geeska Afrika

Kooxda Real Madrid ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijisan karta booskooda wareega 16ka ee Copa del Rey marka ay lugta labaad ee wareega 32da caawa la ciyaaraan kooxda Leonesa oo ay 7-1 kaga soo badiyeen lugtii h--e.

Los Blancos ayaa sii hor ciyaartay lugta h--e ee wareega 32da madaama ay bisha December ka qeyb galayaan Koobka Kooxaha Adduunka iyadoo kooxaha La Liga ay intooda badani caawa ciyaarayaan kulanka lugta h--e oo ay ku jirto Barcelona.

Real Madrid ayaa safi doonta caawa koox ay u badan yihiin ciyaartoydooda Castilla ee heerka seddexaad ka ciyaarta si la mid ah kooxda Leonesa oo iyadana heerka seddexaad ah.

Ilaa iyo inay Leonesa caawa ku badiso 6-0 mooyee, Real Madrid ayaa u soo bixi doonta si rasmi ah wareega 16ka, waxaana ay nasasiiyeen inta badan xiddigahooda waa weyn ka hor kulanka El Clasico ee Sabtida.

real-madrid-cultural-leonesa-1-655x368

MAXAA KA CUSUB?

Iyadoo El Clasico la ciyaarayo Sabtida lama filayo in qaar ka mid ah xiddigaha waa weyn ee Los Blancos ay ciyaaraan kulanka caawa, laakiin Pepe iyo Casemiro oo kooxda dib ugu soo laabtay ayaa la filayaa inay caawa ciyaaraan.

James Rodriguez oo fursadihiisa kooxda ay yaraadeen ayaa isna la filayaa in lagu soo bilaabo kulanka caawa, si la mid ah xiddiga aadka loo qiimeeyo ee reer Norway Martin Odegaard.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid ( 4-3-3): Casilla; Carvajal, Pepe, Nacho, Tejero; Casemiro, Kovavic, James; Asensio, Diaz, Odegaard.

Leonesa: Palatsi, Angel, Fornies, Gianni, Iván G, Yeray G, Julen Colinas, Mario Ortiz, Toni, A. Martínez, Gallar.

Like it? Share it!

Leave A Response