Hordhac: Portugal vs Mexico – CR7 Oo Markii Ugu Horeysay Ciyaari Doona Tartanka & Mexico Oo Dooneysa Iney Ka Inkaarsato.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Xulka heysta koobka qaramada qaaradda yurub ee Portugal ayaa markii ugu horeysay cayaaraya tartanka Confederation Cup waxeyna soo dhaweyn doonaan xulka Mexico oo tiro dhawr ah kasoo qeyb galay dhacdadaan.

Mexico waxey tartankaan kaga qeyb galeysaa iney tahay horyaalka wadamada waqooyiga America koobkii la qabtay sanadkii 2015.

Cristiano Ronaldo 12-bilood ka hor ayuu koobkii ugu horeeyay ee caalami ah la hantay qarankiisa Portugal, balse markaan wuxuu rajeynayaa inuu koobkii labaad la hanto si uu qaanadiisa koobabka u kaamilo.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Portugal vs Mexico

Tartanka: Confederation Cup

Garoonka: Kazan Arena

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Xulka heysta Euro 2016, wuxuu fursad u heysta inuu koobkaan ku guuleysto iyadoo Fernando Santos uu diyaar u yahay inuu doorto shax adag.

Saxiixa cusub ee Ac Milan Andre Silva ayaa la filayaa inuu weerarka kula midoobo Luis Nani iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo labada garbood ka caawin doona.

Dhinaca kale tababare Juan Carlos Osorio waxaa la filayaa inuu shaqo fiican qaban doono isla markaana Mexico geyn karo marxaladaha ugu dambeeya tartanka.

Guillermo Ocha ayaa wali diyaar u ah inuu difaaco qarankiisa Mexico kaas oo si fiican loo bartay koobkii aduunyada ee Brazil lagu qabtay 2014.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ciyaariyahanka kaliya ee ku guuleystay koobka Confederation Cup kuna sugan Russia waa Rafael Marquez kaas oo koobkaan kula guuleystay xulkiisa sanadkii 1999, balse dhibaato ayuu dhabarka ka qabaa mana la filayo inuu caawa ka qeyb qaato kulanka.

Sadex ka mid ah xidigaha Mexico (Raul Jimenez, Miguel Layun iyo Hector Herrera) ayaa garanaya kubadda cagta Portugal kuwaas oo ka ciyaaraya horyaalka Jimenez waa Benfica halka Layun iyo Herrera ay u ciyaaraan Porto.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

PORTUGAL XI:
Patricio; Cedric, Pepe, Fonte, Guerreiro; Carvalho, Gomes; Bernardo, Gelson, Ronaldo; Silva.

MEXICO XI:

Ochoa; Reyes, Moreno, Reyes, Layun; dos Santos, Herrera; Vela, Fabian, Lozano; Hernandez. 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments