Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Hordhac: Napoli vs Inter Milan – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Stadio San Paolo

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 2, 2016

Napoli ayaa caawa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda madaxa lasoo kacday ee Inter Milan, Stefano Pioli ayaana caawa doonaya inuu gaaro guushiisii labaad ee waayahiisa kooxdaan kulamada Serie A-da, madama uu todobaadkii lasoo dhaafay guushiisii ugu horeysay ka helay Fiorentina ciyaar ka dhacday San Siro.

Pioli ayaan wax guuldaro ah la kulmin kulamada Serie A-da, walow kooxda ay kasoo hartay tartanka UEFA Europa League-ga markii ay guuldaro 3-2 ah ka heshay kooxda reer Isreal ee Hapoel Be’er Sheva.

Dhanka kale Napoli ayaa dooneysa iney kasoo kabato barbardhicii ay todobaadkaan la gashay kooxda Sassoulo kulan marti loogu ahaa gurigeeda.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Napoli vs Inter Milan

Tartanka: Serie A

Garoonka: Stadio San Paolo (Naples).

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Nicola Rizzoli (Italy)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Kooxda uu hogaamiyo Maurizio Sarri ayaa wali la xanuunsaneysa maqnaashaha weeraryahankii hilaaciyay Napoli kadib markii ay waayeen Higuain ee Milik kaas oo dhawac muddo dheer kaga maqnaanaya kooxda. Sidoo kalana Gabbiadini ayaa qaadi waayay masuuliyadda weerarka kooxda.

Dhanka kale Pioli ayaa isku shaandheyn ku sameeyay kooxdiisa, sadexdii kulan oo uu leyliyay kooxda wuxuu helay 4

XAQIIQADA KULANKA:

Napoli ayaa guuleysatay 16-jeer, sidoo kalana guuldaro la kulantay 1-jeer oo qura, 20-jeer oo ay la kulantay kooxo darajo ahaan ka hooseeya dhanka kala sareynta horyaalka, halka ay 3-jeer barbaro galeen.

Napoli ayaa sidoo kale guuldaro la kulantay kaliya 2-jeer, 11-kii jeer ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Inter Milan.

Markii ugu dambeysay oo ay Inter Milan kusoo badiso garoonka Stadio San Paolo waxey aheyd xili ciyaareedkii 1997/98 markaas oo ay 2-0 ku adkaadeen.

Si kastaba Inter Milan ayaa laba guulood kaliya gaartay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Napoli, 4-barbaro iyo 5-guuldaro.

Napoli ayaa guuldareysatay kaliya hal jeer 26-kii kulan ee ay ku ciyaartay garoonkooda Stadio San Paolo.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Napoli:

Reina; Soderlund, Chiriches, Koulibaly, Strinic; Allan, Jorginho, Hamsik; Callejon, Gabbiadini, Insigne

Inter Milan:

Handanovic; D’Ambrosio, Ranocchia, Miranda, Ansaldi; Brozovic, Kondogbia; Candreva, Banega, Perisic; Icardi

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. moha ibnu jiqire 03-12-2016 at 12:53 pm - Reply

    cawa walga badinyaa napoli wxahya rag adag icrdi saglka sagalea

  2. halyeey 02-12-2016 at 2:25 pm - Reply

    Guuul isha alah caawa inter
    waaa la karbaashayaa napoli

  3. liibaan 02-12-2016 at 2:18 pm - Reply

    Napoli vs Inter 1-1 ayaan urajeynayaa

Leave A Response