Hordhac: Marseille vs Atletico Madrid – Simeone Oo Ganaaxan, Payet Oo Diyaar Ah Iyo Wax Walba Oo Ku Saabsan Finalka Europa League.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Atletico Madrid ayaa caawa ciyaareysa finalkii sadexaadee tartamada yurub muddo shan sano ah, waxaana la xasuustaa iney Real Madrid ku hor qasaareen labadii final ee Lisbon iyo Milan (2014 iyo 2016), sidoo kalana waxey ku guuleysteen tartank Europa League sanadkii 2012.

Diego Simeone ayaa doonaya in wiilashiisa ay noqdaan kuwa geesiyaal ah oo tartanka ku guuleysta walow uusan soo istaagi doonin diilinta tababaraha, balse uu xaadir ku noqon doono garoonka.

Marseille waxey dooneysaa iney noqoto kooxdii ugu horreysay ee France ah taasoo hanata tartan yurub ah tan iyo sanadkii 1996 markaas oo ay Paris Saint Germain ku guuleysatay Cup Winner’s Cup.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Marseille vs Atletico Madrid

Tartanka: UEFA Europa League

Garoonka: Groupama Stadium

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Bjoern Kuipers (Netherlands)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Filipe Luis oo la filayay inuu seegi doono finalka tartanka ayaa taam buuxa u noqday iyadoo lagu oo daray liiska ciyaartoyda usoo safartay France, balse lama oga hadii uu kusoo bilaabanayo.

Payet ayaa diyaar u ah inuu kulankaan kusoo bilowdo kadib markii uu seegay kulankii ay la ciyaareen Guingamp, danka kale Bouna Sarr ayaa isna garabka dhib ka qabo, balse diyaar ayuu kulanka u yahay.

Shaxda Macquulka Ah:

Marseille: Mandanda; Sakai, Rami, Luiz Gustavo, Amavi; Anguissa, Sanson; Thauvin, Payet, Ocampos; Germain

Atlético: Oblak; Vrsaljko, Giménez, Godín, Lucas; Koke, Saúl Ñíguez, Gabi, Correa; Griezmann, Costa

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Kulankaan waa midkii ugu horeeyay ee tartamada yurub ku dhexmara Marseille iyo Atletico Madrid tan iyo 2008/09, markaas oo ay kooxda reer Spain guul iyo barbaroka qaadatay dhigeeda laba kulan oo ka tirsan wareega group-yada Champions League.

Marsielle ayaa u tartameysa markeedii sadexaad finalka tartanka UEFA Cup/Europa League, halka ay raadineyso guusheedii ugu horreysay, Parma ayaa ka qaaday 1998/99 halka ay Valencia ka qaaday 2003/04.

Les Olympiens waxey rajeyneysaa iney noqoto kooxdii ugu horreysay ee reer France taaoso tartan weyn oo yurub ah ku guuleysatay tan iyo 1995/96 markaas oo ay PSG ku guuleysatay Cup Winner’s Cup.

Xaqiiqdii kulankaan waa markii ugu horreysay oo ay laba kooxood oo Spain & France kasoo kala jeeda isugu yimaadaan finalka tartamada yurub tan iyo 2003/04 markaas oo ay Valencia tartanka hanatay.

 

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Dayo 16-05-2018 at 2:58 pm -

    Sxb Sadeq adi qoraal ka ka fiirso inta aadan wax ka sheegin qoraaga Pageka waxa uu kahadlayaa Waa tartamada yurub oo dhan

  2. Sadeq 16-05-2018 at 11:11 am -

    Nio wax iska sax real 2016 2014 ilayn european liage ma ciyarineh ku hor kuftay kulahaa