Hordhac: Man United vs Anderlecht – Red Devils Oo Dooneysa Iney Talaabo U Qaado Hanashada UEFA Europa League.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Manchester United ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa kooxda reer Belgium ee Anderlecht xilli Jose iyo wiilashiisa ay maanka ku hayaan iney talaabo u qaadaan hanashada koobka UEFA Europa League.

Red Devils lugtii hore waxey heshay gool (Marti) ah markaas oo ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1, balse caawa waxey u baahan tahay barbardhac gool la’aan ah ama guul si ay u gaarto Semi finalka tartanka labaad ee ugu xiisaha badan qaaradda yurub.

Tartankaan waa albaabka labaad oo ay Red Devils kasoo tiigsan karto koobka horyaalada yurub ee Champions League xili ciyaareedka soo aadan, waana midda ay xooga saarayaan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester United vs Anderlecht

Tartanka: UEFA Europa League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:05 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Alberto Undiano (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Ibrahimovic ayaa dib ugu soo laaban kara safka hore Manchester United kadib markii aan la dooran kulankii Chelsea ee horyaalka Premier League, Zlatan waa la nasiyay sida uu ka dhawaajiyay Jose Mourinho.

Jones & Smalling ayaan tababarka kusoo laaban inkastoo wali Juan Mata aysan xaaladiisa meel u dhicin.

Dhinaca kale Anderlecht waxaa ka dhaawacmay goolhayaheeda Ruben Martinez iyo sidoo kale daafacii midig Andy Najar, halka Adrien Trebel aysan suuragal u aheyn inuu ciyaaro.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Guushii ugu weyneed oo ay United ka gaaraan kooxda reer Belgium waxey aheyd September 1956 markaas oo 10-0 ay ku xasuuqday kulan ka tirsan European Cup preliminary.

Red Devils wey guuleysatay afar jeer oo ay gurigeeda ku qaabishay kooxaha Belgium-ka, sadex ka mid ah Anderletch ayey dubatay, 21-gool ayey dhalisay kaliya 2-goolna waa laga dhaliyay.

Anderlecht waligeed guul ma gaarin 17-kulan oo ay usoo martisay kooxaha Ingiriiska 15-guuldaro iyo 2-barbaro, kulan walbana gool ayaa laga dhalinayay.

Jose Mourinho ayaa guuleysatay 8-dii kulan ee ugu dambeysay oo uu tartamada yurub ku ciyaaro gurigiisa tababare ahaan, shan ka mid ah United ayaa sameysay xili ciyaareedkaan.

 

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchetser United (4-2-3-1): Romero; Darmian, Bailly, Rojo, Valencia; Fellaini, Herrera; Rashfrod, Pogba, Mkhitaryan; Ibrahimovic

Anderlecht (4-2-3-1): Martinez; Obradovic, Nuytinck, Kara, Appiah; Tielemans, Dendoncker; Acheampong, Stanciu, Bruno; Teodorczyk

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments