HORDHAC: Liverpool Vs. West Ham – Reds Oo Farriin Diri Karta Maanta

Liverpool waxa ay kulankeeda kowaad ee xilli ciyaareedkan ku daah furan doontaa West Ham Uunited.

Reds oo sanadkan si ka meeqam sarreysa ugu jirta kooxaha ugu cad cad hanashada horyaalka ayaa la filayaa in ay dirto farriinteedii ugu horeeysay ee Premier League.

Waxaa la filayaa in qaar ka mid ah saxiixyadeeda cusub ku soo bilowdaan ciyaarta.

Wararka Liverpool

–  Dejan Lovren wali taam buuxa uma aha in uu ka soo muuqdo kulanka manta maadama uu xilli dambe ka soo laabtay fasixii koobka aduunka, sidoo kale ciyaaryahanno badan oo dheelay koobka aduunka ayaan dheeli doonin

-Joel Matip dhaawac soo gaaray ayuu isna ku seegi karaa, taas oo ka dhigan in Joe Gomez uu daafaca dhexe ku wehelin doono Virgil Van Dijk

– Trent Alexander-Arnold waa taam

-Waxaa la filayaa in ay si buuxda ugu soo bilowdaan kulankoodii kowaad ee Reds Naby Keita, Alisson iyo Fabinho walow kan dambe shaki laga qabo taas oo fursad u siin karta in Jordan Henderson hoggaamiyo kooxda

 RAADRAAC

-Liverpool guuldarro lama kulmin 21kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee ay gurigeeda ku ciyaartay

-Liverpool guuldarro ma kala kulmin West Ham 17ka mida 18kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Anfield ku qaabisho

SAFAFKA LA FILI KARO

Gegida: Anfield

Saacadda Geeska Africa: 3:30pm galabnimo

Dhex dhexaadiyaha: Anthony Taylor