Hordhac: Liverpool vs Leeds – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Quarter Finalka EFL Cup Ee Caawa Anfield Ka Dhici Doona

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Liverpool ayaa caawa soo dhaweyn doonta kooxda Leeds United kulan ka tirsan koobka EFL Cup wareegiisa sideed dhamaadka xilli kooxda ay weyneyso kubad sameeyahooda reer Brazil Philippe Coutinho kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii Sunderland ee sabtidii.

Coutinho ayaa ka qeyb qaatay 10-gool xagaagan kulamada EPL-ka madama uu shan dhaliyay sidoo kalana uu shan caawiyay, Reds ayaana haatan fadhisa booska labaad ee horyaalka iyadoo farqiga goolasha kaga sareysa Manchester City.

ella-leedsvliverpool.jpg

Jurgen Klopp kooxdiisa waxey isha ku heysaa iney gaarto Semi Finalka tartanka iyadoo la xasuusto macalinkaan reer Jarmal inuu kooxda sanadkii h--e geeyay finalka tartankaan iyo kan UEFA Europa League balse labadoodaba uu ku qasaaray.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Liverpool vs Leeds United

Tartanka: EFL Cup ama League Cup

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Philippe Coutinho ayaa la hubaa inuu seegayo kulanka caawa sidoo kalana Roberto Firmino ayaan la fileynin qatar la galiyo madama ay dhibaato yar soo gaartay ciyaartii Sunderland. Sidoo kalana Daniel Sturridge ayaan dib ugu soo laaban tababarka, waxaana la filayaa in Mignolet uu badalo Karius.

Tababaraha Leeds United Gary Monk ayaa isbadal weyn ku sameyn doona kooxdiisa iyadoo la filayo inuu doorto koox xoogan oo natiijo fiican keeni karta.

Leeds United ayaana qabin wax dhibaato ah balse sidoo kale waxey ku xisaabtameysaa kulanka adag ee ay sabtida la leeyahiin Aston Villa.

Xaqiiqooyinka Kulankaan:

Kulankaan waa kii afaraad oo ay labadaan kooxood isku wajahaan League Cup-ka, Reds ayaana badisay laba jeer halka ay barbaro galeen hal jeer sadexdii kulan ee ugu dambeysay.

Leeds ayaa lumisay 9-jeer, 11-kulan oo ay tartanka league Cup-ka wajahday kooxaha Horyaalka Ingiriiska, 2-jeer kaliya ayey guuleysatay, sidoo kalana 4-jeer waxey guuldaro kusoo gaartay banaanka.

Reds ayaa gudubtay gabi ahaanba sadexdii jeer ee ugu dambeysay oo ay Quater Finalka tartanka istaagto 11-gool ayey dhalisay taasoo ka dhigan 3.7 kulankiiba.

Leeds United taariikhdooda 7-jeer ayey tiigsadeen Quater Finalka tartanka 5-jeer wey ka gudbeen, halka 2-jeer ay ka hareen. tan iyo 2000 kaliya hal jeer ayey soo gaareen markaasna waxaa 5-1 ku xasuqay Chelsea 2012/2013.

Jurgen Klopp ayaa badiyay lix ka mid ah Sideedii kulan ee uu ciyaaray tartanka League Cup-ka isagoo hogaaminaya Liverpool, 1-guuldaro iyo 1-barbaro ayaa u dheeri ah.

Line Upka Macquulka Ah:

LIVERPOOL:

Mignolet – Moreno, Leiva, Matip, Alexander – Lucas, Henderson, Grujic – Mane, Origi, Woodburn

LEEDS UNITED:

Green – Cooper, Bartley, Taylor, Ayling – Phillips, O’Kane – Roofe, Sacko, Doukara – Wood

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response