Hordhac: Hercules v Barcelona – Bluagrana Oo Caawa Bilaabeysa Difaacashada Koobka Copa Del Rey.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Kulanka: Hercules v Barcelona

Garoonka: Estadio Jose Rico Perez

Waqtiga: 12ka saq dhexe Saacada Geeska Afrika

Kooxda FC Barcelona ayaa bilaabeysa caawa inay difaacato koobka Copa del Rey iyagoo Estadio Jose Rico Perez kula ciyaaraya kooxda Hercules lugta koowaad ee wareega 32da.

Kooxda Luis Enrique ayaa kulankaan ciyaareysa ka dib markii ay barbaro jahwareer ah la soo galeen Real Sociedad isbuucaan, waxaana ay doonayaan inay natiijo niyad-dhis ah ka heleen kulanka caawa ka hor kulanka Sabtida ee El Clasico.

Tababare Luis Enrique ayaana la filayaa inuu ciyaartoy badan ka soo amaahda Barca B kulanka caawa madaama uu diirada saarayo kulanka Sabtida ee El Clasico.

hercules-v-barca

MAXAA KA CUSUB?

Gerard Pique iyo Jordi Alba ayaa jug ay soo gaartay kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka waxaana shaki ku jiraa taam ahaanshahooda kulanka caawa iyadoo la filayo inaan la ciyaarsiinin si ay u dheelaan kulanka El Clasico.

Samuel Umtiti ayaa shalayto dhameystay tababarka buuxda ee kooxda, waxaana Luis Enrique uu xaqiijiyay inuu boqolkiiba boqol taam yahay oo uu ciyaari karo.

Andres Iniesta ayaa ku soo laabtay taam ahaansho buuxda ka dib dhaawac uu ku maqnaa laakiin waxa uu kulankaan ku seegi doonaa ganaax.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3): Cillesen; Nili, Marlon, Borja, Digne; Alena, Denis, Rafinha; Cardona, Alcacer, Arda Turan.

Hercules (5-4-1): Buigues; Dalmau, Fernando, Bueso, Rojas, Pena; Chechu, Minano, Juanma, Gaspar; Berrocal

Like it? Share it!

Leave A Response