Hordhac: FC Porto Vs Liverpool- Jürgen Klopp Iyo Wiilashiisa Oo Doonaya Inay Sii Qabsadaan Shaqo Fiican Kahor Kulanka Lugta Labaad Champions league Ay Ku Ciyaari Doonaan Anfield.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Feb 14, 2018

Kooxda reer England ee Liverpool ayaa caawo marti u noqon doonya kooxda FC Porto, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta hore ee UEFA Champions league-ga, kaasoo lagu baasan doono garoonka kooxda reer Portugal ee Estádio do Dragão.

Tababarhaa kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp iyo wiilashiisa ayaa waxay kulankan doonayaan inay kala laabtaan guul muhiim ah, si ay usii shaqeystaan fursada ay ugu soo bixi karaan wareega xiga ee 8 dhamaadka tartanka UEFA Champions league-ga xili ciyaareedkan, kalka kooxda martida loo yahay ee FC Porto ay dooneyso marka ay ugu yartahay inay shabaqeeda ilaashato kahor inta aan la gaarin kulanka lugta labaad ay booqan doonto garoonka Anfield.

Wararka Labada Kooxood:

Weeraryahanka reer Cameroon Vincent Aboubakar ayaan ciyaari doonin kulankan sababa la xidhiidha inuu qabo dhaawac dhanka muruqa ku aadan. Wuxuuna seegi doonaa kulankan.

Xidigaha kale ay kooxda reer Portugal kulanka ku weyn doonto sababa la xidhiidha dhaawacyo ay qabaan ayaa waxaa ka mid ah Marcano, Danilo iyo Andre Andre.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ganaax kaga maqnaan doona kulankan xidigiisa Emre Can, Nathaniel Clyne uu halkiisa kasii wadan doono dhaawaca mudada fog uu garoomada kaga maqnaa, waxaana sidoo kale safashadiisa kulankan uu shaki ku jiraa Joe Gomez, laakiin Ragnar Klavan ayaa lagu dhawaaqay inuu taam u yahay kulankan ka dib dhaawac uu ka qabay dhanka muruqa.

Xaqiiqooyinka Kulankan:

* Liverpool ma aysan guul dareysan wax kulan ah afar kulan kulan ay Porto kaga hor timid tartamada yurub, waxayna guul gaadhay 2 kulan, halka 2 kulan kalena ay wada galeen barbaro, labada kulan kusoo idlaaday barbaraha waxaa lagu ciyaaray garoonka kooxda reer Portugal.

* Porto ayaa ka heysata rikoodh aad u xun kulamada sidan ee isreeb reebka Champions League-ga, kadib markii ay ku guuldareesatay inay kasoo gudubto wareega 16-ka saddexdii jeer ugu dambeysay ee lasoo dhaafay, waxay dhaliyeen 1 gool oo kaliya waxaana laga dhaliyay 9 gool.

* Liverpool ayaa kula ciyaartay kooxda Porto hal jeer kulamada isreeb reebka wuxuuna ahaa koobka  UEFA Cup  xili ciyaareedkii 2000-2001, Reds ayaa ku badisay 2-0 wadar ahaan labada kulan, waxayna ku guuleysteen xiligaas tartanka.

* Liverpool ayaa u soo baxday wareega 16-ka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2008/2009, ka dib markii ay ku guul darreysatay inay gaarto heerkaan xilli ciyaareedka 2014-2015, waxayna xiligaas ku hadheer heerka groupyada.

* Roberto Fermino ayaa dhaliyay lix gool seddexna waa uu caawiyay 6 kulan oo Champions League-ga ah xilli ciyaareedkan, mana jiro xidig ka tirsan kooxda Reds ee kaga badan laacibka reer Brazil goolasha lagu soo dhaliyo banaanka, wuxuu ku dhaliyay 4 gool wuxuuna caawiyay 2 kale kulamada tartankan.

Xogta Kulankan:

Kulanka: FC Porto Vs Liverpool

Tartanka: Kulanka Lugta 1-aad Ee Wareega 16-ka Tartanka Champions League-ga

Garoonka: Estádio do Dragão

Saacadda: 10: 45  Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

FC Porto: Iker Casillas, Maximiliano Pereira, Diego Reyes, Ivan Marcano, Alex Telles, Jesus Corona, Hector Herrera, Sergio Oliveira, Yacine Brahimi, Moussa Marega, Tiquinho.

Liverpool: Loris Karius, Trent Alexander-Arnol, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson, Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson, Alex Oxlade-Chamberlain, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

23 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Yonis mohamed hussein 14-02-2018 at 6:52 pm -

    Reds guul lagu raaxeysto inshaa’allaah 5-0 MANE Sadexleey SALAH iyo FIRMINHO ayaa raacsan doono

  2. ibrahim 14-02-2018 at 5:18 pm -

    real madrid guul 4 psg o

  3. yaasiin 14-02-2018 at 5:03 pm -

    liverpool 0-3 porto

  4. Abdikarim İbrahim İssak 14-02-2018 at 3:32 pm -

    GUUL CAAWA REDSKA

  5. siisey 14-02-2018 at 3:30 pm -

    insha allah cawada reds waxay kureyn donan 5……………………1

  6. Yarta sHidan 14-02-2018 at 2:52 pm -

    Guuuul Liverpool❤❤❤

  7. C.rashid osman 14-02-2018 at 2:34 pm -

    Liverpool 3 porto 0
    Insha alah
    Salah mane fiminho

  8. ckqorone 14-02-2018 at 1:29 pm -

    badisi caawa Liverpool

  9. Cabdi barre 14-02-2018 at 1:26 pm -

    Kooxdeyda aan jaclahay liverpool waxaan kubadineysaa liverpool 4 : 1 porto

  10. Daadir 14-02-2018 at 1:09 pm -

    Waxaan rajeeyhaa red ineey soo qabto shaqa fiican si aay u gudubto wareega 8

  11. super Anfield 14-02-2018 at 12:12 pm -

    salah and firmino score liverpool insh allh porto1-2 Liverpool kalsooni ayan Ku qaba kooxdayada

  12. muhyedin 14-02-2018 at 11:59 am -

    Liverpool guul cawa inshaa Allah

  13. bidixle 14-02-2018 at 11:44 am -

    guul taarikhiya ka gaarayna Porto maxamed Salax hatrick

  14. Liban 14-02-2018 at 11:10 am -

    Fikirkeyga waa Fc porto 2-6 liverpool

  15. Abdifatah Adan Hussein 14-02-2018 at 10:28 am -

    Cawa team keeyga guul weyn oo lagu raaxeysto ayaan urajeynaa

  16. Abdifatah Adan Hussein 14-02-2018 at 10:27 am -

    Waxaan urajeynayaa kooxdeyda guul weyn

  17. Abdiaziiz Xidig 14-02-2018 at 10:06 am -

    porto 0 vs Liverpool 3
    cawa waxan rajayn inaan natiijo fiicankala soo labanayno

  18. sharifow ifo c8 14-02-2018 at 9:46 am -

    fikirkega hadan ka dhibto fc Porto 2 livebol 0 real 3 PSG 0 kacabso boqortoyada

  19. Ali afrah 14-02-2018 at 9:45 am -

    VIVA LIVERPOOL

  20. ahmed 14-02-2018 at 9:40 am -

    CWA wxa badineysa f c Porto 3 liverbol 1

  21. Apdikariim 14-02-2018 at 9:37 am -

    Reds 3:0 porto

  22. ziizi 14-02-2018 at 9:17 am -

    porto 1-4 liverpool

  23. xaakim 14-02-2018 at 8:58 am -

    caawa fc porto guul urajynYaaa liverpool 1 porto 4