Hordhac: FC Basel v Man City – Pep Guardiola Oo Caawa Dib U Bilaabaya Qorshihiisa Uu Koobka Champions League Ku Geyn Lahaa Etihad Stadium

by Saed Balaleti | Tuesday, Feb 13, 2018

Waa markii ugu horeysay ee ay Manchester City iyo FC Basel isku arkaan Champions League, laakiin kooxda reer Switzerland waxa ay wareegii group-yada ee xilli ciyaareedkan ay gurigooda ku garaaceen kooxda kale ee Manchester ka dhisan ee United.

Tababare Pep Guardiola ayaa waxaa caawa u bilaabaneysa qorshihii uu Manchester City ku gaarsiin lahaa inay kor u qaadaa koobka Dhega Weyne ee Champions League, iyadoo markii ugu fiicneyd ay gaareen semi-finalka xilli ciyaareedkii 2015-16.

Kooxda FC Basel iyada waxaa riyo weyn u ah inay markii ugu horeysay waayaha cusub ee Champions League inay u soo baxaan wareega sideed dhamaadka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu tababare Guardiola ka horyimaado FC Basel, waxaana kooxdiisii Barcelona ay ku badisay 5-0 kulankii martida loo ahaa kooxda reer Switzerland.

Lugta labaad ee wareega 16ka ee laada kooxood waxa ay ka dhici doontaa garoonka Etihad Stadium 7da bisha Maarso ee soo socota.

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga Manchester City Leroy Sane ayaa si lama filaan ah ku soo laaban kara lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ay caawa la ciyaarayaan FC Basel.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Jarmalka u dhashay Leroy Sane ayaa markii hore la sheegay inuu garoomada ka maqnaanayo lix isbuuc ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray canqowga kulankii FA Cup ee ay ka badiyeen kooxda Cardiff 28kii bishii Janaayo.

Laakiin tababaraha City Pep Guardiola ayaa sheegay in 22 jirkaan uu soo laabtay ka hor waqtigii loo qabtay.

Kubadsameeyaha reer Spain David Silva iyo daafaca bidix Fabian Delph ayaa sidoo kale tartan ugu jira inay ciyaaraan caawa ka dib markii ay ka soo laabteen dhaawacyo ay ka kala qabeen sinta iyo jilibka.

Guardiola ayaa shaki ka qaba saxiixiisa cusub Aymeric Laporte ka dib markii daafaca dhexe ee Faransiiska uusan ka qeyb qaadanin tababarka dhameystiran ee kooxda ka hor kulanka St Jakop-Park.

Daafaca City Bejamin Mendy iyo weeraryahan Gabriel Jesus ayaa labaduba dhaawacyo muddo dheer oo jilibka ah ku maqan.

Dhanka kooxda bBasel waxaa dhaawac kaga maqan Vailati oo garab dhaawac ka qaba halka Balanta iyo Zuffi uu shaki ku jiro taam ahaan shahooda.

Xogta kulankaan

Lugta hore ee wareega 16ka Champions League

FC Basel v Manchester City

Garoonka: St Jakob Park

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Jonas Eriksson (Sweden)

SHAXDA MACQUULKA AH:

FC Basel: Vaclík; Lacroix, Suchý, Balanta; Lang, Frei (Zuffi), Xhaka, Petretta; Elyounoussi, Van Wolfswinkel, Oberlin

Manchester City: Ederson; Walker, Otamendi, Laporte, Zinchenko; Fernandinho, Bernardo Silva, David Silva, De Bruyne, Sterling; Agüero

6 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. shucayb 13-02-2018 at 7:27 pm -

    cawa waxa aan rajaynayanaa inaan badino
    ciyaartuna kudhamaato 4 1

  2. Mahamud 13-02-2018 at 5:21 pm -

    Man city ayaa 5:0 ku badindoondo golashana waa aguwero raxiim istarliin kiifan diburun

  3. C Najiib Mohamed Bare 13-02-2018 at 4:18 pm -

    man cty 0 Basel 3 adeer warka waaa dhan yahay markey ciyaartu dhamaato hala isoo qabto hadaan been sheego

  4. aguero 13-02-2018 at 4:09 pm -

    guul man city 5_1

  5. Diyaar 13-02-2018 at 2:37 pm -

    Caawa waxaan rajaynaa in San Ku dhaafno fc Basel 3:0

  6. mohamed abi abdulle 13-02-2018 at 10:35 am -

    MAN CITY 2____1 BASEL