Hordhac: Cameroon vs Chile – Aboubakar vs Sanchez – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Moscow.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Xulka heysta koobka qaramada qaaradda Africa iyo xulka heysta koobka qaramada qaaradda Latin America ayaa caawa is wajahaya tiiyoo ay jirto iney ka wada tirsan yahiin Group-ka B, waxaana kula mideysan Australia iyo Germany.

Cameroon waxaa ugu dambysay tartankaan oo ay kasoo qeyb galaan 2003 markaas oo ay ku France ku guuleysteen, balse markaan diyaar ayey u tahay iney sharafka Africa sare u qaado.

Xulka Chile laba sano oo xiriir ah ayey Argentina ka xoogeen koobka koonfurta America, balse mar kale awoodooda ayey ku tijaabin doonaan Russia.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Cameroon vs Chile

Tartanka: Confederation Cup

Garoonka: Otkrytiye Arena (Moscow).

Saacadda: 9:00 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Macalinka reer Belgium ee Hugo Broos ayaa diyaar u ah inuu mar kale isticmaalo xeeladii uu ku qaaday AFCON 2017, (4-4-2). Indhaha oo dhan waxey hayaan dhanka Cameroon Benjamin Moukandjo kaas oo wacdaro kasoo dhigay horyaalka faransiiska.

Claudio Bravo ayaan la ogeyn sida uu u ciyaari karo inkastoo uusan wali kasoo muuqan garoomada tan iyo dhaawaciisii April. Tani waxey tababare Juan Antonio Pizzi ku qasbeysaa  inuu aamino Johnny Herrera.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Hal jeer ayey is arkeen labada xul ee Chile iyo Cameroon tartan caalami ah wuxuuna ahaa kulan ka tirsan koobkii Aduunka 1998, kulan ku dhamaaday barbaro 1-1.

SHAXDA MACQUULKA AH:

CAMEROON XI:

Ondoa – Oyongo, Teikeu, Ngadeu-Ngadjui, Fai – Moukandjo, Sutchuin-Djoum, Siani, Bassogog – Aboubakar, Zoua.

CHILE XI:

Herrera – Beausejour, Jara, Medel, Isla – Vidal, Hernandez, Aranguiz – Sanchez, Vargas, Fuenzalida.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments