HORDHAC: Arsenal Vs. Manchester City -Unai Emery Iyo Pep Guardiola Oo Isaga Horimaan Doona Kulanka Ugu Kulul PL Toddobadkan

Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka toddobaadkii uu bilowday waxa uu dhexmari doonaa Arsenal iyo Manchester City.

Mancehster City oo difaacaneysa horyaalkaayaa booqan doonta Arsenal oo weji cudub leh maadaa uu hoggaaminayo taabare cusub markii kowaad 22 sano kaddib.

Hase ahaatee, Pep Guardilola iyo Unai Emery oo labaduba Spainiards ah waxa ay isku dayyi doonaa in ay diraan farriimahoodii ol’olaha.

Wararka Labada Naadi

Arsenal

– Sead Kolasinac iyo Nacho Monreal cabsi xooggan ayaa laga qabaa in ay ka soo muuqan doonaan kulanka Mancehster City

– Ainsley Maitland-Niles in uu ku soo bilowdo ayaa loo badinayaa

-Saxiixyada cusub Bernd Leno and Lucas Torreira in ay kulankoodii kowaad saftan ayaa loo badinayaa

-Aaron Ramsey wuu ku soo laabtay tababarka, in uu ku soo bilwodo ayaa isna loo badinayaa

Manchester City

– Danilo and Eliaquim Mangala labadaba ma dheeli doonaa, sidoo kale waxaa shaki ku jiraa qaar kale oo ka soo laabtay koobka aduunka

-Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne waxa ay ku soo laabteen tababarka buuxa laakiin qiimeyn in lagu sameeyo ayey u baahan yihiin

-Fili saf u eg kii ka badiyey Chelsea kulankii Community Shield-ka

RAADRAAC

-Man City 31 ka mida 36dii kulan ee Premier League ugu dambeeey wey badisay

-Arsenal 24 ka mida 26kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigeeda ku dheesho Premier League lagama badin

-Manchester City ayaa badisay saddexdii kulan ee isugu dambeeysay iyada iyo Arsenal dhammaan tartamada

Safafka La Fili Karo

Gegida: Emirates

Saacadda Geeska Africa: 6Pm

Dhex Dhexaadiyaha: Michael Oliver

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.