Hordhac: Arsenal v Southampton – Gunners Oo U Dagaalameysa Inay U Soo Baxdo Wareega Afar Dhamaadka League Cup.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Kulanka: Arsenal v Southampton

Garoonka: Emirates Stadium

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa u baahan inuu soo xulashada shaxdiisa si weyn uga fekero kulanka caawa ee wareega 8da EFL Cup ee ay la ciyaarayaan Southampton.

Macalinka Gunners ayaa u baahnaan doona inuu nasasiiyo qaar ka mid ah xiddigihiisa magaca weyn islamarkaana uu koox adag oo dhaafi karta Southampton la soo shirtago si ay u buukintaan booskooda wareega 8da League Cup.

shmptnv-arsnl

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahan Olivier Giroud ayaa seegaya kulanka caawa ee wareega 8da EFL Cup ee ay Arsenal la ciyaareyso Southampton sababo la xiriira dhaawac gumaarka ah.

Daafaca Mathieu Debuchy ayaa dhaawac muruqa ah ku maqan laakiin weeraryahan Lucas Perez ayaa diyaar u ah kulanka Emirates Stadium ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo kabsaday.

Xiddiga khadka dhexe Sofiane Boufal ayaa diyaar u ah Southampton ka dib jug soo gaartay si la mid ah Steven Davis oo xumad ka soo kacay.

19 jirka weerarka ka ciyaara Josh Sims ayay u badan tahay in la nasasiiyo ka dib markii uu kulankiisii ugu horeysay ee kooxda waa weyn saftay kulankii ay Axadii 1-0 kaga badiyeen Everton.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1): Ospina; Gibbs, Holding, Gabriel, Jenkinson; Xhaka, Elneny; Iwobi, Ramsey, Chamberlain; Perez.

Southampton (4-4-2): Forster; Yoshida, Fonte, Stephens, McQueen; Reed, Ward-Prowse, Hojbjerg, Boufal; Rodriguez, Austin

MA OGTAHAY?

 

  • Arsenal waxaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee gurigooda ay ku ciyaareen ee League Cup ee ay la dhaleen kooxo Premier League ah iyagoo kaliya hal gool dhaliyay mudadaas.
  • Kooxda Gunners ayaa kaliya hal jeer ka soo gudubtay shantii jeer ee ugu danbeysay ee ay ciyaareen wareega 8da League Cup, markii ugu danbeysay waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2010-11 iyagoo 2-0 kaga badiyay Wigan.
  • Southampton waxaa wareegaan lagu reebay tobadii jeer ee ugu danbeysay ee ay soo gaareen.

 

Like it? Share it!

Leave A Response