Hercules 1-1 Barcelona – Alena Oo Guuldarro Ceeb Aheyd Ka Badbaadiyay Barcelona Ka Hor Kulanka El Clasico.

by Saed Balaleti | Thursday, Dec 1, 2016

Barcelona ayaa ku guudareysatay inay badiso markii seddexaad afar kulan gudaheed ka hor kulanka El Clasico ee sabtida ka dib markii ay barbaro 1-1 ah kala kuleen kooxda heerka seddexaad ee Hercules lugta h--e ee wareega 32da Copa del Rey.

Sida la qiyaasayay waxa ay Barcelona la soo shirtageen koox da’ yar iyadoo seddex xiddig oo ka mid ah Barca B ay ciyaareen kulankoodii ugu horeysay oo kala ah Borja Lopez, Carles Alena iyo Alex Carbonell, waxaa sidoo kale fursad la siiyay xiddiga kooxda ka maqnaa Aleix Vidal laakiin dhibaato dukumiinti darteed Marlon waa uu ciyaari waayay.

carles-alena-hercules-barcelona-copa-del-rey_5tjfgssoydv611l765le0dn4c

Barca ayaa wax fursad micno leh soo bandhigeen qeybtii koowaad, waxaana looga naxsaday gool uu David Mainz u dhaliyay kooxda heerka seddexaad wax yar ka dib markii nasashada laga soo laabtay.

Kooxda martida aheyd ee Barcelona ayaa u baahneyd gool fiican oo uu 18 jirka Alena dhaliyay si ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan.

Laakiin waxa ay ku hungoobeen inay raadiyaan goolka guusha, waxaana ay haatan badiyeen kaliya labo kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.

Sida liitada ee uu Paco Alcacer ku bilowday waayihiisa Barcelona ayaa weli sii socota isagoo haatan ciyaaray kulankiisii 9aad oo uusan wax gool ah dhalinin tan iyo markii uu 30 milyan euro uga soo wareegay Valencia.

Lugta labaad waxa ay ka dhici doontaa Camp Nou seddex isbuuc ka dib.

Barcelona ayaa isku diyaarineysa haatan kulanka la wada sugayo ee El Clascio oo Sabtida ka dhacaya Camp Nou, laakiin waxa ay Barcelona ugu soo aadeysaa waqti xun iyagoo barbaro galay labadii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan halka ay sidoo kale lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid.

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa hal lug la sii gashay wareega 16ka ka dib markii ay 6-0 ku xasuuqeen kooxda yar ee Guijuelo. Yannick Ferreira-Carrasco ayaa dhaliyay labo gool halka goolasha kale ay saxiixeen Saul Niguez, Sime Vrsaljko, Angel Correa iyo Roberto Nunez.

Celtico Vigo waxa ay 1-0 kaga badisay kooxda UCAM Murcia, halka Malaga ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay Cordoba. Granada waxa ay 1-0 ku garaaceen Osasuna, halka Villarreal ay 3-0 kaga badiyeen kooxda yar ee Toledo.

Sevilla ayaa iyagana hal lug la sii galay wareega 16ka ee Copa del Rey ka dib markii ay 5-1 ku xasuuqeen Formentera, iyadoo Joaquin Correa uu dhaliyay seddexleey halka labada gool kale uu saxiixay Wissam Ben Yedder.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Mustafa ataa turk 01-12-2016 at 9:17 am - Reply

    Duqan L.Enrique ina kooXda lagaeryo weeyi
    Koox ween oo sanad Kasta 6 u tarmaeesa Ayuuba La Dagay Hadaba Kooxdu ma Levant yaap. ElCalsico Hadii 3point laga wayo Haiska paxo. viVa capitano iniesta

  2. ayaanle 01-12-2016 at 8:51 am - Reply

    Barcelona way ka dhamaatay wakhtigeedii wuu dhacay viva madrista

Leave A Response