Hector Moreno Oo Daqiiqadahii Dhimashada Guul U Diiray Portugal – Barbarana Kusoo Dhameeyay Kulankii Labaad Ee Koobka Confederation Cup.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Ricardo Quaresma, Cedric Soares, Javier Hernadez iyo Hector Moreno ayaa barbaro kusoo dhameeyay kulankii labaad ee koobka Confederation Cup kaas oo dhexmaray xulalka Portugal iyo Mexico.

Kulankaan wuxuu ahaa kulankii labaad ee group-ka A, waxeyna ku kala baxeen barbaro iyadoo Mexico ay daqiiqadahii ugu dambeeyay heshay goolka barbardhaca ah markii Hector Moreno uu dhaliyay madax, balse marka si guud loo eego ciyaarta waxey ahaayeen kuwo dhan walba ku gacan sareeya.

Daqiiqadii 20-aad: Cristiano Ronaldo ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Portugal, balse kuabdii awoodda laheyd ee uu goolka aadiyay birta yaaa ka beenisay.

Daqiiqadii 34-aad: Guillermo Ochoa ayaa si aan caadi aheyn u badbaadiyay kubad uu gooshiisa ku leexiyay Calcedo oo isku dayay inuu madax ku saaro kubad uu soo qaaday William Carvalho.

GOAL! Daqiiqadii 35-aad: Ricardo Quaresma ayaa hogaanka u dhiibay Portugal markii uu si qurux badan shabaqa ula helay kubad uu ka helay Cristiano Ronaldo, si xarago leh ayuu dhulka u dhigay Guillermo Ochoa ka hor inta uusan shabaqa si fudud ugu leexin.

Daqiiqadii 38-aad: Javier Hernandez ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno qarankiisa markii uu si adag u madaxeeyay kubad uu geesta midig kasoo dhigay Carlos Vela, balse goolhaye Rui Patrico ayaa si fudud uga qabsaday.

Daqiiqadii 39-aad: Ricardo Quaresma ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Portugal markii uu kubad joog hoose ah mariyay geesta goolka, waxaana xusid mudan inuu CR7 si qurux badan cirib ugu caawiyay.

GOAL! Daqiiqadii 42-aad: Javier Hernandez ayaa barbaro u keenay Mexico, markii uu madax qurux badan daba mariyay goolhaye Rui Patrico markii uu kubad fudud ka helay Carlos Vela.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala baxay 1-1, waxeyna labada kooxood goolashooda kaga mahad celinayaan Quaresma iyo Chicharito.

Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood aysan wax isbadal ah ku sameynin shaxdii ay kusoo bilowday.

Mexico waxey soo laabashadii si fiican u xakameeyeen ciyaarta waxeyna ahaayeen kuwo dhan walba kaga fiican Portugal markey noqoto in ciyaarta gacanta lagu hayo.

Daqiiqadii 79-aad: Ricardo Quaresma ayaa sameeyay isku day aan lagu faa’iidin markii uu kubad joog hoose ah ka tuuray banaanka xerada ganaaxa, waxaana si dhibyar u qabsaday Ochoa.

Daqiiqadii 80-aad: Giovani dos Santos ayaa helay fursad uu hogaanka ugu dhiibo Mexico, markii weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen goolka Portugal, si fiican ayuu u caawin kara saaxiibadiis balse wuxuu go’aansaday inuu aado goolka mana ku aadin.

Daqiiqadii 84-aad: Andre Sivla ayaa u dhawaaday inuu gool u dhaliyo Portugal markii uu si aan caadi aheyn u madaxeeyay kubad geesta laga keenay balse Ochoa ayaa ka beeniyay.

GOAL! Daqiiqadii 86-aad: Cedric Soares ayaa dhaliyay hogaanka dib ugu soo celiyay Portugal markii uu helay kubad uu qalday Hector Herrera isaga ayeyna kusii dhacday daafaca reer Mexico.

Daqiqiadii 88-aad: Gelson Martins ayaa u dhawaaday inuu dilo rajada Mexico ee ciyaara, markii uu kubad helay Andre Silva balse kubadii uu goolka aadiyay geesta ayuu ariyay.

GOAL! Daqiiqadii 90-aad: Hector Moreno ayaa barbaro waqti dambe ah u keenay Mexico, markii uu si awood leh u dhameystiray kubad koorne ka timid.

Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 – waana kulankii labaad ee groupka A iyadoo xulka Mexico ay muujiyeen awood dheeri ah walow aysan helin guushii ay u qalmeen.

Russia ayaa hogaaminaya group-ka A kuwaas oo leh 3-dhibcood, halka Portugal iyo Mexico ay leeyahiin min 1-dhibic, New Zealand ayaana meesha ugu hooseysa fadhisa iyadoon wax dhibic ah laheyn.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments