Harry Kane: Waa Maxay Sababta Ay Real Madrid Ugu Qasban Tahay Inay Soo Iibsato?

Real Madrid weli kamay hadhin damaceedii weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo ay doonayso inay isku xoojiso si uu u buuxiyo booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo.

Real Madrid oo lala xidhiidhinayo xiddiga Chelsea ee Aden Hazard oo isaguba doonaya inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu mar uun ka ciyaaro Santiago Bernabeu, ayaa waxa kale oo ay doonaysaa in bisha January ay dalab hor dhigto Tottenham si ay ugu suurtogasho in Harry Kane ay safkeeda kusoo darto.

Real Madrid oo la dhibaatoonaysa gool dhalin la’aan ayaa waxay u baahan tahay inay isbeddel degdeg ah ka samayso afkeeda hore, isla markaana ay keensato laacib ku fiican dhalinta goolasha oo ka saara mushkiladda iyo waqiga adag ee ay ku jirto.

Lama hubo in Tottenham ay badhtamaha xili ciyaareedka ay ogolaan doonto in xiddigeeda ugu muhiimsan uu ka tago iyagoo waliba u dagaallamaya horyaaalka Premier League iyo tartanka Champions League.

Real Madrid ayaan wax goolal ah dhalinin muddo afar ciyaarood ah, waxaana kusoo fool leh laba kulan oo adag oo ay la ciyaari doonaan Levante iyo Barcelona.