Halyeyga Man United Ee Rio Ferdinand Oo Ka Hadlay Fursada Ay Kooxdiisii Hore Kula Loolami Karto Kooxaha Horyaalka Loo Saadaalinayo Ee Liverpool Iyo Man City.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ka hadlay suurogalnimada ay kooxdiisii hore kula loolami karto kooxaha sida weyn horyaalka loogu saadaalinayo xilli ciyaareedkan ee Mancheter City iyo Liverpool, City ayaa amaanta ka helaysa shaqadii ay qabatay xilli ciyaareedkii hore halka Liverpool ay indhaha kusoo jiidatay saxeexyada ay samaysay suuqi kala iibsiga.

Manchester United ayaa guul ku furatay xilli ciyaareedka cusub kaddib markii ay 2-1 kaga talaabsadeen Leicester City walow aysan jamaahiirtu wali kooxdooda ka arkin bandhiga ay samayso koox horyaalka loo saadaaliyaa.

Ferdy oo kamid ahaa kooxdii ugu dambaysay ee Manchester United oo kusoo guulaysatay horyaalka Premier League sanadkii 2013 ayaa sheegay in kooxdiisii hore ay loolami doonto balse kooxaha Manchester City iyo Liverpool ay noqon doonaan kooxaha ay tahay in markasta lasoo qabto ee ugu sarrayn doona.

Ferdinand ayaa mar wax laga waydiiyay haddii kooxdiisii hore ay loolami doonto u sheegay muuqbaahiyaha uu falanqeeyahay ka yahay ee BT Sport hadal u dhignaa sida tan “Waxaan filayaa inay halkaa joogi doonaan amaba ay ka ag dhawaan doonaan”

“Laakiin waxaan usbuucii hore kulankii Community Sheild la joogay Chris Sutton waxaanan labadayaduba isku raacnay in Liverpool marka loo eego kharashaadka iyo saxeexyada ay sameeyeen iyo marka Man City loo tixgeliyo wixii ay qabteen xilli ciyaareedkii hore, Xasiloonaanta ay heleen gudaha ciyaartoydooda, Waxaan filayaa inay noqon doonaan labada kooxood ee ay tahay in lasoo qabto”

Manchester United ayaa intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ee xagaagani so xoogan ugu dhibtootay sidii ay ku heli lahayd xiddigihii bar-tilmaameedka u ahaa halka kooxo kale oo ay ugu horrayso Liverpool ay si weyn uga adeegatay suuqa xilli horeba.