Halyeyga Chelsea & Xulka Qaranka Ivory Coast Didier Drogba Oo Ku Dhawaaqay Waqtiga Uu Garoomada Kubadda Cagta Ka Bixi Doono

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Halyeyga kooxda Chelsea & qaranka Ivory Coast Didier Drogba ayaa ku dhawaaqay waqtiga uu ka bixi doono garoomada kubadda cagta xilli uu haatan ku sugan yahay kooxda Phoenix Rising ee ka ciyaarta horyaalka USL.

39-jirkaan heerka caalami wuxuu xaqiijiyay inuu kabaha kubadda cagta siibi doono marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan.

Didier Drogba wuxuu kasoo muuqday kooxda Blues 381 ciyaarood isagoo laba waqti oo kala duwan u ciyaaray, 164-gool ayuuna shabaqa dhex dhigay intii uu xirnaa maaliyadda buluugga ah.

Intii uu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge wuxuu hantay 4-bilad oo Premier League ah, 4-jeer oo uu ku guuleystay koobka FA Cup-ka, 3-jeer League Cup iyo hal jeer oo uu hantay tartanka weyn ee Champions League.

“Waxaan maleynayaa in sanadka soo aadan uu yahay midkeygii ugu dambeeyay” ayuu yiri Didier Drogba isagoo la hadlayay RMC Sport.

“Mararka qaar waa inaad joojisaa, waxaan u baahanahay waqti aan ku maareeyo mashruucyadeyda kale” ayuu yiri Drogba.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments