Halyey Paolo Maldini Kooxdee Ayuu Ku Biiri Laha Hadii Uu Ka Tagi Lahaa Ac Milan? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Halyeeygii hore kooxda Ac Milan iyo qaranka Italy Paolo Maldini ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu ku biiri lahaa hadii uu go’aansan lahaa inuu isaga tago kooxda uu waayahiisa iyo noloshiisa u hibeeyay ee Rosanerri.

Paolo oo ku sugnaa San Siro intii u dhaxeysay 1985 ilaa 2009 ayaan waligiis ku hamin inuu ka dhaqaajiyo kooxda Milan, balse isagoo wareysi siinayay RMC Sport ayuu ka dhawaajiyay kooxda uu ku biiri lahaa hadiiba ay dhici laheyd inuu hayaamo.

“Hadii aan u ciyaari lahaa koox kale, waxey noqon laheyd Real Madrid” Ayuu yiri kabtankii hore qaranka Azzurri Paolo Maldini.

“Mar walba waxey iila muuqatay aniga inaan Real Madrid ay tahay koox aan inta badan jeclahay sida Milan”

Dhanka kale Paolo ayaan qoomamo ka joogin inuu waqtigiisa siiyay Milan, 24-xilli ciyaareed ayuuna xirnaa maaliyada kooxda ka dhisan San Siro.

Mudadiisa Milan wuxuu ku guuleystay shan koob oo yurub ah & 7 horyaal oo Serie A-da ah.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments